|

Somaliland: Masaajidda Magaalada Hargeysa Oo Maanta Laga Akhriyay Ducooyin ALLE bari iyo Roob-doon Ah

masjid

Hargeysa(QJ/SDN)-Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa waxa maanta laga bilaabay Masaajidda Ku yaalla Ducooyin Alle bari iyo roob-doon ah, kuwaasi oo dhammaan masaajidda Magaalada Laga Akhriyay.

Ducooyinka Alle bariga iyo Roob-doonta ah ayaa waxa la akhrinaayay wakhtiga Salaadaha, iyadoo salaad kasta rakcadda ugu danbeysa ay Iimaamyada masaajiddu akhrinayeen ducooyinkaasi.

Ducooyinkan iyo alle barigan roob-doonta ah ee laga bilaabay masaajidda magaalada Hargeysa ayaa kusoo beegmaya xilli inta badan deegaanada Somaliland ay kasoo yeedhayso qaylo-dhaan ku aadan abaaro ba’an oo ku dhuftay inta badan deegaanada Somaliland, iyadoona haatanna la galay wakhtigii kulaylaha ee ALLAAH looga bartay roobka iyo raxmaddiisa.

Dhanka kale, Sanadihii u danbeeyay Somaliland waxaan ka di’in roobkii horay uga di’i jiray, iyadoo uu aad u yaraaday xaddiga roobka ee ku da’a deegaanada Somaliland taasi oo sababtay abaaro saameyn xooggan ku yeeshay dadka iyo xoolahaba.

Comments are closed