|

WAA GABAY BAROOR DIIQ IYO TALABA AH OO KU SAABSAN GEERIDII ALLE HA U NAXARIISTEE TALIYE CABDIRISAAQ YUUSUF ( CASAYR )

96ec930f-b9cb-4426-b6b5-61cc6e8fe173Inkastoonu ruux garab marayn goortu dhimanaayo

Qadarkuna go,aan yahay ka yimi samada guudkeeda

Geerida caseyr waxay ahayd guul dariyo ceebe

Waakaa go,yoo kugu go,aan geesna kaa marine

Maangaabka gobolkii kastaba jooga gudihiisa

Marxuumkan iyo geesh horaba way naga galaafteene

dalka gibil ka daahduu ahaa gaydha dhaxamaaye

gurmadbuu dalka uhaanjiriyo gaadh nafta u huraye

Gar,soorbuu dalka u haanjiriyo xaanin gaad adage

Geesibuu dalka u haa amniga heeganka u gala’e

Allaw guri firdowsiyo jannada gali adoonkaaga

Gaashaanna naarta uga yeel guul,daradu taalo

Gaar ahaan xigaalkiisi iyo guud ahaan shacabka

Allow samirka laabtooda gali geesigii hoyaye

 

Afartaa baroor diiq godkeed gow makaga siiyey

Afar kala waan gocanayaa gabaygu waa hiile

 

Gafkii noogu dhacay hore mid kale waliba guudsaara

Oo guurtidii baajin leyd balada how guuxdo

Waa waxaan garaadkii fayow ruuxna galahayne

Mar hadaan gadaal loo arkeyn geesi naga hoydey

Falkan dhacay cidii gaysataa goobid loo yahaye

Ina gacan ku dhiiglihii ladilo waa gar xaajadu

Goor,ay ahaataba marbay guuto soo qabane

Guud ahaan ammaankeena iyo guushan lagu faano

Walaalaha gobtee saaxil  iyo yaala gudaheeda

Een kala tagayn gees hadey dunidu guureyso

Yaan colaada laysugu guntine nolol haloo goobo

Oo ruuxba wuxu gaysan karo yaanu gabin maanta

Oo guurtiyey kaca fadhigu waa garaad xumo’e

Oo halagu guntado nabadu waa gogol nasteexaade

 

WAXA CURIYAY    CABDIRAXMAAN XIIRAY

CABDIRAXMAANXIIRAY1@GMAIL.COM

 

Comments are closed