|

Somaliland oo laga heshiiyay murankii doorashooyinka

Hargeysa March 2024 (QJ) -Kulan Qasriga Madaxtooyada Somaliland ku dhex maray Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Muuse Biixi Cabdi iyoMusharaxa madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa lagu soo gebogabeeyey is afgarad ku saabsan in si nabad ah doorashadu u qabsoonto.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, ayaa labada dhinac waxay ka soo saareen qodobo muhiim ah oo la xidhiidha difaaca Somaliland iyo qabsoomida doorashooyin hufan oo aan la faragelin.

Waxa la isla gartay in laga wada shaqeeyo ilaalinta qaranimada Somaliland, in la iska kaashado difaaca qaranka, in doorashadu si nabad ah ku qabsoonto, lana aqbalo natiijada ka soo baxday tartankii doorashada ee xisbiyada qaranku ku ansixiyeen,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadu.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in saddexda maalmood ee soo socda ay dhinacyadu yeelan doonaan shirar looga hadlayo sidii heshiisyadaas loo fulin lahaa.

Madaxweynaha xilka ka degaya waxa uu aad ugu mahad naqay Madaxweynihii hore ee Daahir Riyaale Kaahin qabanqaabada kulanka iyo ka qayb qaadashada danta qaranka.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya wax yar uun ka dib markii uu madaxweynuhu dhawaan saxeexay wax ka bedelka lagu sameeyay shuruucda doorashooyinka Somaliland, ka dib markii muddo la isku khilaafay.

In kasta oo xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID ay hore isku maandhaafeen arrimo kala duwan, haddana waxa ay heshiis ka gaadheen nidaamka cusub ee doorashada, inkasta oo ay jiraan dhawaaqyo ka soo yeedhay ururro siyaasadeed oo qaarkood ka soo horjeeday heshiiska saddexda xisbi, iyaga oo u arkayay isbeddelka sharciga ah mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka.

Comments are closed