|

Somaliland Oo Xalay Iyo Habeen Hore Uruurisay Dhaqaale Kor u Dhaafay Sadex Milyan oo Dollar

Hargaysa 19. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Xalay Qasriga Madaxtooyadda Ku qabtay Kulan Balaadhan oo Qayb ka ah Xuska Munaasibada 18 May Isla markaana si gaar ah loogu talo galay in Bulshada Somaliland ay Kaalintooda ka qaataan qaadhaanka Loo Uruurinayo qaybaha ka midka ah Shacabkeena ee Ku Tabaaloobay amase Xoolihii kaga baxeen Xaaladii abaareed ee dalka soo martay.

Munaasibadan Waxaa Ka qayb galay Madax ka socotay Madaxda Sadexda Gole qaran ee Somaliland,Ganacsato,Aqoon yahano, iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil C.laahi Axmed oo Xafladaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday Sida ay diinteenu u Waajibisay Bixinta Sadaqada Waxaanu ka Codsaday Shacabka Somaliland inay si waddaniyadi ku jirto uga Jawaab celiyaan Fikirka uu Madaxweynuhu ku abuuray Guddida Qaadhaan Uruurinta ee ka soo Kabashada Xaaladii abaareed ee dalka soo martay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Madashaasi ka hadlay ayaa Shacabka Somaliland dareensiiyey sida uu dhaqankeenka ugu lahayn inaynu is garab siino marka marxalad adagi inala soo deristo Waxa uu Madaxweynuhu xusay in Daraasad la soo sameeyay ay Muujinayso in 70% ay Xoolihii dhamaadeen taasina ay keentay inay dad badani ku soo xaroodaan Magaalooyinka dalka iyagoo fara madhan waxa kale oo Madaxweynuhu sheegay in arrintani ay saamayn ku yeelatay dhaqaalihii dalka waxaanu Madaxweyne Axmed Siilaanyo iftiimiyey in Kadib Markii uu darsay duruufaha wehelka la ah Bulshada Xoolo dhaqatada ah ee dhaqaalaha waddankuna ku tiirsanaa uu go’aansaday inuu Magacaabo Gudi qaadhaan Ururin samayn doona Mudo ku siman 45 Cisho oo ka Bilaabmay 18 ka bishan May ilaa 26ka bisha June lana rabo inay soo Uruuriyaan qaadhaan dhaqaale oo wax ka tara sidii gargaar deg deg ah loo gaadhsiin lahaa dadka ay xoolihii ka baxeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Siilaanyo wuxuu xusay in Lacagta 45 kaas Cisho la rabo inay soo baxdo ay dhan tahay 10 Milyan oo Dollar Isla markaana lagu qaban doono arrimahan soo Socd.

20 kun oo qoys oo dib loogu rarayo deegaanadii ay abaaruhu ka soo baro kiciyeen, 12 kun oo qoys oo dib loo xoolaynayo, 35 kun oo beerood oo dib loo abuurayo, 15 ceel biyood oo kuwa dhaadheer ah oo laga qodayo Dalka, 18 dhaam biyood oo qaabka balliyada ah oo la samaynayo, 12 goobood oo seerayaasha xoolaha laga oodayo, Iyo Weliba Dhir aad u badan oo Lagu beeri doono gobolada iyo Degmooyinka iyo barnaamijyo kale.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Mudane Maxamud Xaashi Cabdi ayaa Sheegay in Madaxweynuhu Habeen hore Kulan kula qaatay qasriga Madaxtooyada qaybo ka Mid ah Ganacsatada dalka isla markaana ay ku Yabooheen dhaqaale ka badan 700 oo Kun Dollar,Waxaanu Markaas kadib Ka Codsaday Ganacsatadii Ku Sugnayd Kulankii Xalay ee Xarunta Madaxtooyada inay Sheegaan dhaqaalaha ay kaga qayb qaadanayaan Hawlgalkan qaran Wasiirka Madaxtooyadda ayaa Gunaanadkii Munaasibadaas Sheegay in Xalay iyo Habeen Hore ay Soo Xarootay Lacag dhan Sadex Milyan Iyo Boqol Dollar Taas oo Kala Badh ka ah Saamiga ay Somaliland Bixinayso iyadoo aan weliba la gaadhin Gobolada iyo Degmooyinka dalka.

Comments are closed