|

Rudaw Tv Oo Warbixin Ku Falan-Qeeyay Dawladnimadda, Dimuqraadiyadda Iyo Cilaaqaadka Somaliland La Leedahay Caalamka

Hargaysa 19. May 2017 (SDN/QJ):- Telefishanka Qowmiyadda Kurdiyiinta oo la yidhaahdo RUDAW TV, ayaa warbixin dheer oo ka sameeyay Somaliland.

Waxaanay ka warrameen nabadgelyada Somaliland ku naaloonayso, cilaaqaadka ay caalamka la leeyihiin iyo fursadaha ay u haysato xiligan inay caalamka ka hesho aqoonsiga ay raadinaysay muddo rubuq qarni ku siman.

Warbixintan oo uu diyaariyay weriye  magaciisu yahay Ayub Nuri, oo dhawaan booqasho ku yimmid Somaliland, waxa kaloo uu si qotodheer uga sheekeeyay xasuuqii loo geystay shacbiga Somaliland ee ay fulisay Taliskii Soomaaliya.

Waxa kale oo warbixintu ka sheekaysay  ballaadhinta dekedda Berbera iyo saldhigga Millatari ee Imaaraaraadka carabtu ka samaysanayo Berbera.

Haddaba waxa warbixintan soo turjumay Weriye Siciid Faarax Muuse oo ka tirsan Wargeyska Dawan, waxaanay intii ugu muhiimsanayd u qornayd sidan:-

“Somaliland waxay madax-bannaanideeda ay kaga noqotay Soomaaliya ay caddaysay 18-kii May 1991-kii. Waxay Soomaaliya ka mid ahayd 31 sannadood oo toddobanaan sannadoodna lagu sameeyay  shacbigeeda xasuuq  ay  gacanteeda ugu  gaysatay  dawladdii dhexe ee Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire.

Waxay garowsadeen inay haddimo  ka dhaxleen midnimadii ay la galeen Soomaaliya, waxaanay halgan kula soo noqdeen madax-bannaanidoodii.

Jamhuuriyadda Somaliland, aqoonsi rasmi ah kama ay helin qarramada midoobay iyo dal adduunyada ka mid ah midna. Hase ahaatee waxay cilaaqaad wanaagsan la leeyihiin dalalka ay jaarka yihiin oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti iyo dalka Imaaraadka carabta.

 

Si ka duwan Soomaaliya, Somaliland waxa ka jira  xasilooni,   nabadgelyo iyo dawladnimo shaqeynaysa. Dalkani waxa uu leeyahay Baarlamaan  iyo madaxweyne la doortay.

Dhaqaalaha dalkan muslimka ahi, waxa uu ku tiirsan yahay xoolaha nool, balse waxa xooluhu u nugleeyay abaarta. Sannadkii hore waxa  ka le’day  malaayiin xoolo ah oo ku baxay  abaarta darteed, waxaa  dadkii dhaqanayay ay ka soo hayaameen miyiga iyagoo soo galay magaalooyinka waaweyn.

 

Qaar ka mid ah Hay’adaha shisheeye ayaa caawiya Somaliland, haseyeeshee dawladda Somaliland waxay doonaysaa in caawimadani ay noqoto aqoonsi caalami ah oo ay ka hesho beesha caalamka. waxay aaminsan tahay  in  aqoonsigu uu u suurtogelinayo inay gasho  heshiisyo ganacsi, ammaaho iyo inay macaamil siyaasiya oo heer caalami ah kula macaamisho adduunka.

 

Indhaha oo dhammi waxay eegayaan magaalada  Berbera, dalka Imaaraadka carabta ayaa malaayiin doolar ku kharash gareynaya dekedda Berbera. Waxa kaloo ay  dhisanayaan waddo 250km ah oo isku xidhaysa Berbera iyo xadka Somaliland la wadaagto Itoobiya.jidkan waxa halkii kiilomitirba ku baxaysa hal milyan oo doolar. Waxa kaloo baarlamaanka Somaliland ogolaadeen in dawladda Imaaraadka carabtu ay saldhig millatari ka samaysato Berbera.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa noo xaqiijiyay in aanu saldhiggani waxyeelaynin  dhexdhexaadnimadii iyo nabadgelyadii Somaliland haysatay, waxaannu yidhi; “Maya, waxyeelo kama dhalanayso  saldhiggann, 25 sannadood ee ugu dambeeyay Somaliland wax dhibaato ah ulama tegin Soomaaliya iyo meel kale toona, himiladayadu waa inaanu  nabadgelyo kula noolaanno dalalka Mandaqada.ciddna waxyeelo kuma aha saldhiggani xataa Soomaaliya.”

Dadka reer Somaliland waxay rajaynayaan iskaashigan u bilaabmay Somaliland iyo dalka isu-tagga Imaaraadka carabta (UAE) inuu yahay bilowga aqoonsi rasmi ah oo ay Somaliland ka heli doonto dunidda carabta.

99% dadka reer Somaliland waa muslim. Somaliland  waxay fahamsan tahay in xasilooni darrada ka jirta mandaqada  iyo dagaalka budhcad baddeedu uu fursad u  siinayso Somaliland in qiimaha ay caalamka ugu fadhidaa noqdo mid sare u kaca. Dalal badan ayaa Somaliland  ugu balan qaaday haddii uu hal dal aqoonsado inay noqon doonaan kuwa ku  xiga ee ictiraafaya. Dawladda iyo dadka reer Somaliland waxay qalbi samaan ku sugayaan maalinta la aqoonsan doono.”

 

Waxa warbixinta Telefishankankaasi si qotodheer uga warantay xasuuqii baahsanaa ee Taliskii Siyaad Barre u geystay shacabka Somaliland. waxaanu xusay  in magaalada Hargeysa dhinac walba laga helayo xabaal wadareedyo muujinaya xasuuqii loo geystay shacabka Somaliland.

Comments are closed