|

Somaliland Qaran Bislaaday iyo Talaabada La Gudboon Murashixiinta waaya Hogaaminta waddanka ‘’ Natiijadan Diyaarka ah Dadkaygoow Ku Qanac’’ FAALADA SHABAKADA QURBEJOOG

Hargaysa 14 November  2017 (SDN/QJ):-Doorasho aad u wanaagsan ayaa ka dhacday Geyiga Somaliland Shalay oo Isniin ahayd kuna beegnayd 13-ka bishan November iyadoo ay ahayd Doorashadii Sadexaad ee Madaxtooyo ee dalka ka dhacda.

Doorashadan Waxaa ku loolamayay Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne ee Xisbiyadda Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Ku Xigeenkiisa Axmed Cabdi Muuse Ebyan, Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Ku Xigeenkiisa Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici iyo Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro iyo Ku Xigeenkiisa Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi.

Loolankii ugu adkaa ee Doorashaddu waxa uu u dhexeeyay Murashixiinta Xisbiyadda Kulmiye iyo Waddani marka la eego hadal haynta ugu badan ee Suuqa siyaasadda Somaliland waxaa la saadaalinayaa in Musharixiinta Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro uu Midkood noqon doono Madaxweynaha shanaad ee Somaliland yeelan doonto Marka ay Komiishanka doorashooyinku ku dhawaaqaan Natiijadda hor dhaca ah ee doorashadda oo ay marka danbe Xalaalayn doonto amase Laali karto Maxkamadda sare ee Distooriga ah.

Waxay Guud ahaan Bulshadu isha ku haysaa Murashaxa ku Guulaysan doona doorashadda Madaxtooyo iyadoo taageerayaasha labadan dhinac uu mid kastaa isku gaysanayo Natiijooyin u badan mala awaal kuwaas oo ay ku sheegayaan inay ka heleen Muraaqibiinta Xisbiyadda.

Waxaase Xaqiiq ah in Labadan Xisbi ee Hirdanka Xoogani ka dhexeeyo ay hayaan wakhtigan la Joogo Codadkii ay ka heleen 1,642 goobood  oo ku yaalla 21 degmo doorasho oo dalka oo dhan ah Maadaama uu goob kasta u Joogay Hal Muraaqib oo xogta goobtaas la wadaagayay Xisbigiisa iyadoo ay sidaas tahay waxaa hadana jira Cabashooyin ilaa shalay ka soo yeedhayay Xisbiga Waddani oo Sheegay in Goobo Codbixineed laga saaray Muraaqibkii ugu qornaa isla markaana ay dhacday sida ay Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbigaasi sheegeen in Goobaha Codbixinta qaarkood lagu arkay Shakhsiyaad si Khaldan uga dhex adeeganayay waxayna intaas raaciyeen inay qoraal arrintan la xidhiidha ay u gudbin doonaan hay’adaha ku shaqada leh.

Amuurtan Waxaa ka Marag furay Goob joogayaasha Caalamiga ah ee dusha kala soconayay hannaanka ay doorashadu u dhacday iyagoo sheegay in ay jireen in mararka qaar ay dhacday in goobjoogayaal loo diiday in ay galaan goobo cod bixineed ama lagu amray in ay ka baxaan.

Waxa aanu sidoo kele la soconnaa ayay Yidhaahdeen in tiro arrimo kele oo dhowr ah oo ay ka mid tahay sheegashooyin in dad da’doodu yar tahay ay codeeyeen; in si nidaamsan sirtii codaynta laga saaray marka la eego dadka u baahnaa in laga caawiyo codaynta; in shuruucda aan si isku mid ah loo raacayn mararka qaarkood (marka lagu daro tirinta codadka lagu murmay); iyo joogitaanka iyo soo faragelin mararka qaarkood ka imanaysay ciidamada ammaanka ee qaar ka mid ah goobaha la booqday, in kasta oo goobjoogayaashu aanay arkin cabsi gelin baahsan.

Hadaba Waxaa la Gudboon Murashixiinta Sadexdda Xisbi qaran ee Somaliland inay ka dhabeeyaan inay u Hogaansami doonaan Go’aanka ka soo bixi doona Maalmaha fooda inagu soo haya Guddida doorashooyinka oo u Muuqda kuwo si taxadir leh hawshooda u wata isla markaana cadeeyay inay si daahfuran u tuhun saari doonaan Xisbi kasta oo Cabasho soo Gudbiya.

Comments are closed