|

Somaliland: Saddex Ururrada Bulshada Rayidka Ah Oo Cambaareeyay Weerar Lagu Dilay Tobaneeyo Qoxooti Soomaali Ah

Hargaysa 20. March 2017 (SDN/QJ):- War-saxaafadeed ay Xalay si wada jir ah u soo saareen saddex ka mid ah ururrada Bulshada Rayidka ah oo fadhigoodu yahay Somaliland, ayaa waxay ku cambaareeyeen Weerar Habeen hore Diyaarad nooca Qumaatiga u kaca ahi ku dishay illaa 42 Qof oo Soomaali ah, Xilli ay ku safrayeen Doon ka soo qaadday Xeebaha Dalka Yemen, taasi oo geyn lahayd Suudaan.

Saddexda Urur oo kala ah Xarunta Xuquuqal Insaanka ee (HRC), Xarunta Daraasaadka Siyaasadda iyo COMPAD, ayaa waxay ku baaqeen in baadhitaan Madax-bannaan lagu sameeyo Weerarka Diyaaraddu ku dishay Dadka Soomaalida ah, kaasi oo ay ku sifeeyeen inuu ahaa Weerar Naxariis-darro ah.

War-saxaafadeedka Saddexda Urur, ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan, “Xarunta Xuquuqal Insaanka ee (HRC), Xarunta Daraasaadka Siyaasadda iyo COMPAD oo ah Saddex Urur oo ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah ee saldhigoodu yahay Somaliland waxay ku baaqayaan in si deg-deg ah loogu sameeyo baadhitaan madax-banaan si loo ogaado ciddii ka danbaysay weerar lagu qaaday dooni maraysay biyo-mareenka Babul Mandab ee xeebta Yemen halkaas oo ay ku naf-waayeen dad shacab ah oo ka badan Afartan Qof.

Ururradan ka tirsan bulshada rayidka ah waxay si adag u cabaaraynayaan weerarkas. Qaxoonti ay ka mid yihiin dad reer Somaliland ah ayaa lagu weeraray diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah. Waxa lagu dilay weerarkaas dad badan. Weerarkan bahalnimada ah ee sida tooska ah loogu bar-tilmaameedsaday dad shacab ah waa mid aan la aqbali karin, arxan daran oo ka soo horjeeda xeerka caalamiga ah. Waxaanu ku baaqaynaa in si dhaqso ah baadhitaan loogu sameeyo dhacdadan.”

War-saxaafadeedkan waxa ku saxeexnaa Axmed Yuusuf Xasan oo ah Guddoomiyaha COMPAD, Hibaaq Ibraahim Gamuute oo ah Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Deraasaadka Siyaasadda iyo Guuleed Axmed Jaamac oo ah Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka.

Comments are closed