|

Ururka Al Shabaab oo gar gaar ka qeybisay Deegaano hoostaga Degmada Ceel Buur (Daawo Sawirada)

Ceel Buur 20. March 2017 (SDN/QJ):- Xarakada Al Shabaab ayaa raashinka nuucyadiisa kala duwan waxa ay u qeybisay boqolaal qoys oo kunool deegaano hoostaga degamada Ceel Buur , qoysaskan ayaana kamid ahaa dadka ay saameysay abaarta jirta.

Al Shabaab ayaa deeq isugu jira Bur, Sokor, Bariis, iyo Saliid waxa ay u qeybiyay qoysas danyar ah oo kunool deegaano hoostaga degmada Ceel Buur, waxa ayna qoysaskan muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin gar gaarka loo qeybiyay.

Deegaanada Macaawinadan raashinka ah Al Shabaab ka qeybiyeen waxaa kamid ah Jacar, Towfiiq, Ceel-qooxle, Ceel-Meygaag, Garbaweyn, Dac iyo deegaanno kale oo lasoo sheegayo in xiligan ka jiraan Abaaro.

Gurmadka loo fidinayo dadka ay saameysay abaaraha ayaa hada ka socda qaar kamid ah gobolada dalka, dadka qaarkood ayaana wali la gaarsiin gurmadka sababo la xartiira cabsi ka jirta goobaha ay kunool yihiin dadkaasi.

Comments are closed