|

Somaliland: Xukuumadda Oo Xabsiga U Taxaabtay Qaar Ka Mid Ah Suxufiyiinta Ka Hawl-gala Magaalada Hargeysa

Hargeysa,30Nov,2015(QJ/SDN)-Xeer ilaalinta Somaliland ayaa xabsiga dhigtay Agaasimaha telefishanka Bulshotv ee fadhigiisu Hargeysa yahay Rashiid Nuur Wacays iyo saxafi Siciid Khadar Cabdillaahi oo bulsho ka tirsan. Sidoo kale Rashiid Nuur Wacays ayaa guddoomiye ka ahaa wargeyska Hubsad oo Hargeysa ka sii bixi jiray halka Siciid Khadar-na ahaa tifaftiraha wargeyska.

Rashiid iyo Siciid ayaa dhawaan Hargeysa ka soo saaray wargeys xilliyo hore Hargeysa ka soo bixi jiray balse markii uu saddex cisho soo baxay ayay xukumaddu xannibtay. Waxaana lagu eedeeyay inaanu xeer ilaalinta ka haysan warqad kala wareejin ah maadaama ay wargeyska Iibsadeen ruqsaddiisa, iyadoo arrintaasi lala xidhiidhinayo xadhiga wakhtigan ee labadan suxufi.

Amarka xadhigan ayaa la sheegay inuu ka soo baxay xeer ilaalinta, mana jirto faahfaahin ka soo baxday xeer ilaalinta Somaliland. Sidoo kalena maamulka telefishanka suxufiyiintu ka tirsan yihiin ayaan wax war ah ka soo saarin arrintan, marka laga reebo xaqiijinta xadhiga suxufiyiinta.

 

Comments are closed