|

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Colaada Magaalada Gaalkacyo

Muqidsho,30Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii u horaysay ka hadlay colaadda ka taagan magaalada Gaalkacayo ee u dhaxaysa Puntland iyo Galmudug. Waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay in markale dagaal sokeeyo ay dad soomaali ahi ku dhintaan, sidoo kalena in badan u baro kacdo hantidoodana u burburto dagaal laga baaqsan karayay.

Xasan Sheekh wuxuu ku booriyay dhinacyada dagaalamaya inay xabadda joojiyaan “Waa ayaan-darro in mar kale si micno la’aan ah loo daadiyo dhiigga dadka Soomaaliyeed oo xaq u leh inay nabad iyo xasilooni ku noolaadaan. Waa in deg-deg xabada loo joojiyaa, wax kastana wadahadal lagu dhammeeyaa,’’  ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh wuxuu intaasi raaciyay “Colaad kasta oo xilligan la abuuro waxay dib u dhac ku tahay dadaalka ay Soomaaliya ku doonayso inay dib u soo kabato, iyo barnaamijyada kale ee muhiimka u ah dhismo qaran cusub oo Soomaaliyeed oo caalamka la tartami kara. Waxayna colaaddan si toos ah u dhaawacaysaa barnaamijyada iskaashiga caalamiga iyo Soomaaliya ee dib u dhiska dalka, barnaamijka madasha wadatashiga Qaran ee lagu go’aaminayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalkeenna iyo kuwo kale oo aan nabad iyo xasillooni la’aantood aan la dhaqan gelin Karin.”

Degmada Gaalkacayo ayaa hadda laga dareemayaa dagaal la’aan ilaa shalay balse dadka ayaa ka qaxay magaalada, waxaana halkaasi laga wadaa wada hadal xal loogu raadinayo dhibka dhacay. Waxa wada hadalka qayb ka ah ra’isal wasaaraha Somalia, dhinacyada dagaalamay iyo madaxda qaar ka mid ah maamulada gobolada iyo waxgaradka kale.

 

 

Comments are closed