|

‘’Somaliland waan la hadlaynaa, wax la qarinayana maahan,Bahasha Lalama dhuumanaayo’’ Prof Cali Khaliif Galaydh

Caynaba 07,Aug 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa qiray inay wafdi u direen Caynabo kuwaasoo lasoo xaajooda Somaliland.

Warbaahinta ayaa heshay hadal kooban oo Cali Khaliif jeediyay oo uu ku sheegayo inay jirto inay

“ Somaliland diyaar baan u nahay inaan la hadalno, meel fiican bay wax noo marayaan, inaan wada hadalladaas wadno. Yaa yiri guddiyadas lama samayn karo, war waa samaynaynaa, waanna samaynay. Wixii wada hadal ah waan galaynaa, bahasha lalama dhuun dhuumanayo” ayuu yiri Cali Khaliif
Hadalkan Cali Khaliif Galayr ayaa kusoo aadaya xilli guddo wasiiro ka kooban oo maamulkiisa ka tirsan ay joogaan Caynabo si ay ula soo hadlaan Mas’uuliyiin Sare oo ka Tirsan Xukuumada Somaliland.

Comments are closed