|

Xukuumadda Somaliland Maxay ka tidhi Wada hadalka ay Khaatumo la furtay ee ka socda Caynabo? DAAWO

Hargaysa 07,Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay inuu meel fiican marayo wadahadal u socda Somaliland iyo Xubno ka tirsan Kooxda la baxday Maamulka Khaatumo oo ka dagaallanta deegaanno ka tirsan Somaliland, waxaanu sheegay in Caynaba lagu kulmayo, illaa wakhtiganna wejiga koowaad ee wadahadalkaasi uu si fiican u socdo.

Maxamed Muuse Diiriye oo Saxaafadda qaarkeed  isagoo socda Xarunta Baarlamaanka ay wax kaga weydiiyeen wadahadalkaasi halka uu marayo iyo waxa ka soo baxay, ayaa jawaabo kooban siiyey Weriyeyaasha isagoo socod ugu jawaabayey.

Waxaannu hadalka Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed