|

Somaliland: Xaqiiqooyin Soo Baxay oo Tilmaamaya in Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiillada La Kala Qaaday

Hargaysa 30.August 2016 (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland, ayaa kala qaadday Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo qorshuhu ahaa in si wada jir ah loo qabto bisha Saddexaad ee Sannadka 2017-ka.

 

Doorashooyinka SomalilandMa jiro War rasmiya oo ka soo baxay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo sheegaya in la kala qaaday Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, laakiin Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo Doraad Saxaafadda kula hadlayey Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in Lixda Goobood ee xayiran ee Waqooyiga Hargeysa laga qabanayo Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha si Dadka halkaas ku dhaqani ugaga qayb-qaataan Doorashada Madaxtooyada oo keliya.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in la Diwaangelinayo Dadka ku dhaqan Lixda Goobood ee Waqooyiga Hargeysa ee kala ah:- Hulka, Ceel sheekh, Cabdi Geeddi, Ceel la helay, Bildhaalay iyo Damasha, si ay Codkooda uga dhiibtaan Doorashada Madaxtooyada oo keliya, laakiin aan loo ogoleyn inay ka qayb-qaataan doorashooyinka deegaannada iyo Golaha Wakiillada.

 

Wasiir Faratoon oo Arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Wareegtada Xukuumadda ka soo baxday waxay leedahay in Lixdaa Goobood (ee Waqooyiga Hargeysa) aanay meelna raaceynin ee ay ka qayb-qaadanayaan Doorashada Madaxtooyada. Haddaan sii faahfaahiyo Dadka iska diwaangeliya Lixda Goobood Codkooda waxa loo isticmaalayaa Doorashada Madaxtooyada, oo Codkooda kuma bixinayaan ama laga ogolaan maayo Doorashada Deegaannada iyo Doorashada Golaha Wakiillada.”

 

Wasiirka Arrimaha guduhu waxa kale oo uu Shirkiisa jaraa’id ku sheegay, “Lixdaa Goobood, Illaa Masiirkooda Xal laga gaadho oo la kala xadeeyo lagama geli doono Doorashada Golaha Wakiillada iyo Doorashada Deegaannada.” Ayuu yidhi.

 

Hadalka Wasiirka Arrimaha gudaha oo ku aaddanaa Lixda Goobood ee Waqooyiga Hargeysa, ayaa sidoo kale muujiyey in doorashada Madaxtooyada si gaar ah loo qabanayo, Doorashada Golaha Wakiilladana gaarkeeda loo qaban doono, ka dib Xal laga gaadho muranka Deegaannada Waqooyiga Hargeysa.

Comments are closed