MUQDISHO (QJ) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah u gashay marxalad cusub oo qaybteeda tamarta ah ka dib markii markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey uu toddobaadkan gaaray biyaha dalka, gaar ahaan goobta ceelka lagu magacaabo Curad-1.
War-saxaafadeed ka soo baxay Hindisaha Transparency Somalia Initiative (TSI) ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay muujinayso isbeddel muhiim ah, iyadoo dalku uu u socdo heer uu si firfircoon uga qayb qaadan karo wax soo saarka saliidda. Horumarkan waxaa la filayaa inuu si weyn uga qayb qaato kobaca dhaqaalaha Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, hay’addu waxay ka digtay in kheyraadka dabiiciga ah ay khataro keenaan haddii aan si habboon loo maamulin, iyadoo xustay in mararka qaarkood faa’iidooyinka kheyraadkan ay ku koobnaan karaan dhowr shakhsi halkii ay gaari lahaayeen dhammaan dadka.
Machadka Transparency-ga Soomaaliya ayaa caddeeyay in uusan si toos ah u maamulin ama u kormeerin hawlaha qodista saliidda laakiin uu u dhaqmo sidii ilaaliye madax-bannaan oo dhiirrigelinaya hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.
Machadka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay qaaddo tallaabo degdeg ah si loo hubiyo hufnaanta, oo ay ku jiraan si buuxda u shaacinta heshiisyada saliidda, caddeynta lahaanshaha shirkadaha ku lug leh qodista, iyo sameynta nidaam furan oo lagu maareeyo dakhliga kheyraadka. Ugu dambeyntii, TSI waxay ku nuuxnuuxsatay in maaraynta saxda ah ee dakhliga saliidda ay muhiim u tahay ilaalinta danaha jiilalka hadda jira iyo kuwa mustaqbalka ee Soomaaliya.
