|

SOUTH AFRICA: Ganacsato Somali ah oo siyaabo kala duwan Maalmihii lasoo dhaafay loo Dilay

DIL

Cape-town,10,7,2016 (QJ/SDN) – Toddobadii maalmood ee lasoo dhaafay ugu yaraan toddoba muwaadiniin Soomaaliyeed ah, ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay Deegaanno hoos-taga Magaalooyinka Cape-town & Port Elizabeth oo ka kala Tirsan Gobollada Eastern-cape iyo Western-cape ee Dalka Koonfur Afrika.

Dilalka Muwaadiniinta Soomaaliyeed loo geeystay ayaa siyaabooyin kala duwan u dhacay, kaddib markii intooda badan lagu weeraray goobo ganacsi ay ka hawl-galayeen.

Saddex ka mid ah Muwaaddiniintan Soomaaliyeed ee la khaarijiyay ayaa lagu dilay Goobo Ganacsi oo kala duwan, kuwaasoo ku yaalla Dulleedka Magaalada Port Elizabeth, xilli ay burcad-hubeysani ay ugu dhaceen dukaamadooda Gancsi, iyadoo markii burcadu ay dilalka geysteen kaddib dhacay goobaha ganacsiga oo marxuumintaan ay ku kala sugnaayeen.

Sidoo kale, labo ka mid ah muwaaddiniintaan Soomaaliyeed ee naftooda ku waayay dalka Koonfur Afrika Toddobadii Maalmood ee lasoo dhaafay, ayaa lagu dilay Dukaan Ganacsi oo ay ka wada-shaqeynayeen oo deegaanka isku raranka ah ee Khayelitsha ku yaala oo ay dagan-yihiin Dadka Madowga ah ee ku yaalla Cape-town, waxaana labadan marxuum lagu kala magacaabi jiray, C/llaahi Maxamuud Muuddeey iyo Xasan Jimcaale Hadaafoow, sida ay u sheegeen HOL ehellada labadan marxuum xilli ay aasayeen.

C/llaahi Maxamuud Muuddeey iyo Xasan Jimcaale Hadaafow oo ayaa la qaatay Farxadda maalintii ciidda reerkoooda iyo asxaabtooda qaar oo degen Magaalada Cape-town, sida uu HOL u sheegay macallin Maslax Xasan Cali oo ay ehel ahaayeen marxuumka.

“Marxuum C/llaahi farxaddii ciidda magaalada ayuu kula qaatay ehelladiisa, Wuxuuna ka tagay galabnimadii maalintaas isagoo u sheegay in dukaanka uu aadayo si uu dhallinyarada ula shaqeeyo… illaa 9:00 fiidnimo ayuuna la joogay. Xaaskiisa ayaa wacday, Wuxuuna u sheegay inuu hadda soo baxayo oo dukaanka la xirayo, balse daqiiqo kaddib amarka aya ku dhacay oo waa la toogtay,” ayuu HOL u sheegay Muxyadiin Jaguula.

Ugu dambeyntii, Odayaasha iyo ganacsatada magaalada Cape-town ayaa aad ugu deyriyay dilalka Soomaalida loogu geeysto dalka Koonfur Afrika, iyagoo xusay in loo baahan yahay badbaado iyo samata-bixin deg-deg ah oo loo sameeyo ganacsatada Soomaaliyeed ee lagu dilayo maalin walba Dalka Koonfur Afrika.a

Comments are closed