|

SSC-Khaatumo oo lagu eedeeyay in ay laayeen ciidamadii Maaxaabiista ahaa ay ka qabteen Somaliland

 

Laascaanood September 11, 2023 (SD) – Waxa maalmihii u danbeeyay baraha bulshada lagu soo bandhigayay muuqaalo ka turjumaya fal danbiyeedyo ka dhan ah xuquuqda maxaabiista dagaalada lagu kala qabto oo ay geysanayaan Jamaahiirta SSC-Khaatumo.

Sawirada ayaa muujinaya tacadiyo ay ka mid yihiin dil iyo dhaqan xumo kale oo lagula kacayo askarta ku jirta gacanta Jamaahiirta beesha Laascaanod.

Tacadiyadan oo muuqaal ahaan ay isaga soo duubeen Jamaahiirta ayaa waxa weheliya xogo in si xoog ah loogala baxay xabsiyada qaar ka mid ah maxaabiista oo deetana la laayay.

Hadal heynta u badan ayaa waxa ay ka dhalatay sheegashada SSC ee helida meyad hor leh oo laga soo gurayo duleedka magaalada Laascaanood laba todobaad ka dib dagaalkii ay kula wareegeen Goojacade.

Waxa haatan culeys iyo dalabyaba la dul dhigay heyada bisha cas ee ICRC oo dhawaan booqatay isla markaana diiwaangelisay 300 oo ka mid ah maxaabiista Somaliland laga qabtay oo ku xirnaa Laascaanood.

ICRC ayaa laga dalbanayaa in ay ka wardoonto maxaabiistaa ay diiwaangelisay oo ay hubiso bedqabkooda.

Tacadiyadan ayaa durtaba xaalada cirka ku shareeray waxaana suurtogal ah in dagaalku isu bedelo mid ahli ah oo sabab khasaare baahsan.

 

Comments are closed