Buuhoodle 14.May 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise (Xaglo-toosiye),ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku suganaa magaalada Buuhoodle isla markaana ka soo fuliyay mashaariic horumarineed oo dhanka caafimaadka ah.
Wasiir Saleebaan Xagla-toosiye,ayaa intii uu joogay magaalada Buuhoodle waxaa uu kullammo kala duwan la yeeshay wax-garadka-duqayda,dhalinyarad iyo qaybaha kala dawn ee reer Buuhoodle.
Magaalada Buuhoodle,ayaan wali laga xusin intii ay jirtay Somaliland isla markaana aan maalin qudha looga dabbaal degin 18 May oo ah maalinta Qarannimada Somaliland.
Hadaba waxay is-weydiintu tahay Wasiirka Caafimaadka Somaliland ma ku guulaysan doonaa in deegaankiisa isagoo ku sugan in laga xuso maalinta Qarannimada Somaliland oo ah maalinta ay reer Somaliland ka goosteen wixii la isku odhan jiray Soomaaliweyn isla markaana guriga qoyskoodu uu u debbaal dego maalinta dhiiga badani u daatay isla markaana ay halyeeyo u dhinteen loona huray naf iyo maalba.
Mise wuxuu noqon doonaa Wasiir magaalada uu joogo aan ugu debbaal degi Karin Maalinta mudan inuu u debbaal dego ee sababta u ah inuu Wasiir ka noqdo Somaliland.
Maayerka Buuhoodle Cismaan Yuusuf Nuur oo aan arrintaa wax ka weydiinay,ayaa sheegay inaanay wali Wasiirka Caafimaada Somaliland Saleebaan Ciise(Xagla-toosiye) inaanay wali waxba iska weydiin isla markaana aanay jirin illaa imika qorshe cad oo ay ugu talo galeen in 18 May laga debbaal dego magaalada Buuhoodle.
“Wali arrintaa kamaanu wada hadal waxna iskamaanu weydiin,laakiin waxaa laga yaabaa inaanu illaa berri ka wada hadalno.”ayuu kaga baxay Maayerka Buuhoodle Cismaan Yuusuf Nuur.
Hadaba waxay su,aal hal xidhaale ahi saaran tahay Wasiir Xagla-toosiye magaaladiisa ma ka xusi doonaa maalinta Qarannimada Somaliland mise Buuhoodle wali waa sideedii hore oo looga dabbaal degi maayo 18 May.
Buuhoodle SDN/QJ.
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com
