|

Suldaanka Guud ee Beelaha Ayuub Oo Bogaadiyay Cabdiqaadir Jirde iyo Xisbiga Waddani

Hargaysa 19.October 2016 (SDN/QJ):- Suldaanka guud ee beelaha Ayuub Suldaan Aadan Suldaan Aamiin Suldaan Faarax, ayaa bogaadiyay guddoomiyenimada xisbiga Waddani ee xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, waxaanu ammaanay siyaasadda Guddoomiye Cirro oo uu ku tilmaamay mid cadaaladeed.

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil JirdeSuldaan Aadan, oo waraysi siiyay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in Beel ahaan ay iyaguna sugayaan in cadaaladdu soo gaadho, “Waxaan anigoo ku faraxsan bogaadinayaa guddoomiyaha cusub ee loo doortay xisbiga Waddani xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka soo jeeda Hargeysa iyo gobalka Hawd, waxaanan Suldaan ahaan cadaynayaa inaanu ku faraxsanahay oo aanu soo dhawaynayno xilkaas oo aan aaminsanahay inuu yahay nin ka soo bixi kara hawshaas culus.” ayuu yidhi Suldaanka oo intaas raaciyay, “Mar haddii siyaasadii Somaliland noqotay qori isu dhiib, waxa muhiim ah in shacabku tashado oo ninba maalintiisa la tijaabiyo, annaguna markayaga Kuyuuga cadaaladda ayaanu ku jirnaa, waxaanay talaabadan uu xisbiga Waddani qaaday qurxisay siyaasadii Somaliland, waxaanay noqotay cad-ceed cadaaladeed oo soo baxday, waayo bulshada reer Baligubadle kaalin mug leh ayay ka soo qaateen halgankii dib u xoraynta Somaliland, annaguna waxaanu wadaagnaa dhaqan, dhiig iyo dhalasho oo waanu kula faraxsanahay guusha siyaasadeed ee u soo hoyatay.”

Ugu dambayn wuxuu Suldaan Aadan sheegay inaanu ahayn xisbi gaar ah balse uu xaq u leeyahay inuu tilmaamo xisbiga uu cadaalad ka dhex arko, “Salaadiintu xisbi gaar ah kuma jiraan oo dadkaygu xisbiyada way ku wada jiraan, laakiin xaq ayaan u leeyahay inaan tilmaamo xisbiga aan cadaalad ka dhex arko. Markaas waan hambalyaynayaa xisbiga Waddani.” ayuu yidhi Suldaanku.

Comments are closed