Borama: Dhacdo Ugub ah Oo ay Ku Kaceen Afar Xildhibaan Oo Dawladda Hoose Ka Tirsani

    Borama:26-Feb-2014(SDN)-Dhacdadii Ugu Yaabka Badnayd ayaa Maalintii Shalay ka Dhacday Xarunta Dawladda Hoose ee Boorama, kadib Markii ay Afar ka Tirsan Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka Degmadaasi isku Dayeen inay Dhacaan Dhakhligii Shalay ee Dawladda Hoose. Isku Daygan oo Markii Dambe Fashilmay ayaa Looga Gol lahaa in Baabuur Bas Caasi ah lagu Qaato Lacagta Dhakhliga ah ee Dawladda…

    Read More

      Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka ee Somaliland oo Markii Kowaad Socdaal Shaqo ku Tagay Gobolka Badhan

      Badhan 25.Feb 2014 (SDN)- Guddoomiyaha Hay’adda Imtixaanaadka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud gadhweyne), ayaa socdaal ku maraya degaamada Bariga sanaag ee Somaliland gaar ahaan degmada Badhan oo uu xalay u hoyday isaga iyo wefti uu hogaaminayo. Guddoomiyaha Hay’adda Imtixaanaadka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud gadhweyne), ayaa socdaal ku maraya degaamada Bariga sanaag ee Somaliland gaar…

      Read More

        Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Khudbaddii caawa ee ku aaddan weerarkii madaxtooyada

        Muqdisho Feb25,2014(SDN)- Raiisul wasaaraha dalka Soomaaliya Md C/weli Sheekh Axmed ayaa jeediyay khudbad dheer oo uu uga hadlayo weerarkii Jimcihii ina dhaafay lagu qaaday aqalka Villa Somalia, khudbadiisiina waxa uu ku yiri:Bismilaahi Raxmaani Raxiim, Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku salaamayaa salaanta Islaamka, Assalaamu calaykum wa raxmatu laahi wabarakaatuhu. Mar kale, waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed…

        Read More

          Maayarkii Hore ee Caasimada Eng Jiciir oo Xil Cusub ka Qabtay Madaxtooyada iyo Kulan lagaga Hadlayay Maamul Daadejinta oo Hargaysa Lagu Qabtay

          Hargaysa 25.Feb 2014 (SDN)- Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa maanta Hotel Maansoor  ku qabatay Shir ku saabsan wacygalinta iyo siyaasadda maamul daadajinta Qaranka iyo wadada geedi socodka dhabta ah ee lagu hagayo hirgalinta howlaha maamul daadajinta adeegyada Bulshada . Shirkaasi oo ay ka qaybgaleen madaxa xafiiska maamul daadajinta madaxtooyada, maayarkii hore ee caasimada hargaysa Eng:Xuseen Maxamuud…

          Read More

            Xukuumada Somaliland oo wada Qorshe ay 50% ku yaraynayso Cuntada dibeda uga soo degta

            Hargaysa 25.Feb 2014 (SDN)- Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo wasaaradaha kale ee wax-soo-saarka sida Beeraha, Xoolaha, Deegaanka, Kalluumaysiga, Biyaha Iyo Jamacadaha Hargeysa iyo Golis aayaa wada Olole balaadhan oo sanadkan la doonayo in lagu yareeyo 50 % cuntooyinka Somaliland la soo degto oo imika maraysa 85%.. Qorshahan oo lagu sar-goyn doono shirweyne weyn oo loogu magic…

            Read More

              Afhayeenka Kooxda Xag Jirka ah ee Alshabaab oo Fara Cididood kaga Badbaaday Duqayn Diyaaradeed oo Maanta lala eegtay Gurigiisa

              Baraawe 25.Feb 2014 (SDN)- Diyaarado Millatari oo aan wali la aqoonsan dalka laga leeyahay,ayaa la sheegay inay maanta duqeeyeen guriga uu ka deggen yahay magaalada Baraawe Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage(Cali Dheere). Xilliga weerarka duqaynta  dhanka cirka ah lagu qaaday guriga uu degen yahay Afhayeenka Al-Shabaab,ayaan la shaacin qasaaraha ka dhashay duqayntaa iyo …

              Read More

                Laba Askari oo ka Tirsan Jabhada ONLF oo Ciidamada Somaliland ay Ku Qabteen Deegaanka Balli Cabane iyo Somaliland oo ka Tashanaysa Sidii ay ka Yeeli lahayd

                Balli Gubadle 25.Feb 2014 (SDN)- Sirdoonada Somaliland iyo Itoobiya ayaa iska kaashaday qabashada laba Askari oo ka tirsan jabhada ONLF kuwaas oo xuduudka Somaliland ka soo galay dhinaca Itoobiya, isla markaana gudaha usoo galay deegaanada Bali-cabane iyo Sayla dhexdooda. Sarkaal ka tirsan ciidamada Amaanka Somaliland ayaa cadeeyey in qabashada labadan Nin ee ka tirsan ONLF,…

                Read More

                  “Konton Kun oo Ubadka Soomaaliyeed ah ayaa khatar ku jira” Madaxa ugu Sareeya ee Qaramada Midoobay ee Gargaarka

                  Muqdisho 25.Feb 2014 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay deeq-bixiyeyaasha inay fuliyaan ballan-qaadyadii gargaarka ee ay u sameeyeen dowladdiisa, halka Qaramada Midoobay ay codsatay lacag gargaar ah, iyadoo sheegtay in 50,000 oo carruur Soomaali ah ay khatar ugu jiraan inay u dhintaan nafaqo-darro. Philippe Lazzarini oo ah madaxa ugu sarreeya…

                  Read More

                    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo Waraaqihii Aqoonsi ka Gudoomay Safiirka Cusub ee Switzerland

                    Muqdisho 25.Feb 2014 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga safiirka cusub ee dalka Switzerland u qaabilsan Soomaaliya, Domanic. Madaxweyne Xasan ayaa uga mahad-celiyay Switzerland sida ay diyaarka ugu tahay xoojinta xiriirka labada dal. Safiirka cusub ayaa ku wareejiyay madaxweyne Xasan dhambaal uu uga siday madaxda dalka Switzerland….

                    Read More

                      Wasiirka Ciyaaraha Somaliland oo Guddi loo saari doono Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada

                      Hargeysa Feb 25,2014(SDN)-Wasiirka wasaaradda Dhalinyarda,Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee JSL,Cali siciid Raygal,ayaa sheegay in Gudi isku dhaf oo ka kooban qaybaha Bulshadda iyo Haay’adaha loo magacaabi doono Sanduuqa Horumarinta dhalinyardda Somaliland,kaas oo uu Madaxweynuhu dhawaan daah-furay. Waxa uu wasiirku sheegay in siyaasadda dhalinyaradda ee ay dhawaan ansixiyeen ay ku cadahay in dhalinta loo sameeyo Sanduuq dhaqaale…

                      Read More

                        Shabaabka oo sheegay in ay nool yihiin ragii weeraray suuqii Nairobi ee Westgate Mall ayna soo bandhigi doonaan

                        Muqdisho Feb 25,2014(SDN)-Afhayeenka kooxda Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali dheere ayaa wareysi uu siiyay TV-ga Al-Jazeera uga waramay weerarkii qaar ka mida ciidamadoodu ku qaadeen suuqii Westgate Mall ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Cali Dheere ayaa sheegay in aan la rumeysan kareyn haalada ka soo yeera dawlada Kenya oo marar badan shaacisay…

                        Read More

                          Madaxa Guddida Dhaqaalaha ee Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Deeqo ay bixiyeen dalalka reer Galbeedka la Musuq-maasuqay

                          Muqdisho Feb 25,2014(SDN)-Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Baarlamaanka dalka Soomaaliya Md Sheekh Aadan Madeer ayaa saxaafada u sheegay in dawlada Soomaaliya aaney ku dhaqmin miisaniyadii ay Baarlaamaanku ansixiyeen ee sanadkan. Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in deeqoclacageed oo ay bixiyeen dalalka Turkey,USA iyo Italy la musuq-maasuqay. Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Baarlamaanka Soomaaliya Md Sheekh Aadan Madeer ayaa…

                          Read More

                            Baadhitaan Lagu Hayo Askari Lagu Tuhunsan Yahay Dilkii Taliyihii Goldogob iyo Warwar Dhinaca Ammaanka ah oo Soo Kordhay

                            Galdogob:25-Feb-2014(SDN)-Ciidanka Dambi-Baadhista ee degmada Goldogob ayaa su’aalo weydiinaya askari Lagu Tuhunsan yahay dilka taliyihii saldhigga degmadaasi Muumin Maxamed oo maalin ka hor Lagu Dilay Saldhigii uu maamulayey. Askarigan oo isku dayay inuu baxsado ayaa gacanta lagu soo dhigay ilaa haddana lama garanayo sababaha ka dambeeyay inuu rasaaseeyo taliyihiisa, waxana Haatan Lagu wadaa Baadhitaano Badan.  …

                            Read More

                              Madaxweyne Gaas Oo Kulamo La Qaatay Ra’isal Wasaare Hailemariam iyo Nuxurka Wada Hadalladii ay Yeesheen

                              Addis-Ababa:25-Feb-2014 (SDN)-Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Haatan Safar ku Jooga Dalka Ethiopia ayaa Kulan la Qaatay Ra’isal wasaaraha Dalkaaas Hailemariam Desalegn. Kulankan  Labada Masuul oo Xalay Saacadihii Dambe Qabsoomay, ayaa waxa Goobjoog  ka ahaa Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Dr. Tedros, Halka ay Madaxweyne Gaasna la Socdeen  wasiiradda Arrimaha gudaha iyo warfaafinta Puntland,…

                              Read More

                                Haweenay Shaaha Ka Iibin Jirtey Ciidanka Dawladda Oo Xalay Lagu Toogtay Muqdisho iyo Ganacsatadii Kale oo Cabsiyi Soo Foodsaartay

                                Muqdisho:25-Feb-2014(SDN)-Ruux Haween ah ayaa Xalay Lagu Dilay Nin La Socdayna Waa Lagu  Dhaawacay  Xaafadda Suuqa Xoolaha Ee Degmada Hiliwaa Ka dib markii ay Koox Hubaysani Rasaas Oodda Kaga Qaadeen.  Labada Qof ee Goobtaas Lagu Rasaaseeyey ayaa la Sheegayaa inay Xiligaa Ka Soo Rawaxeen Shaqo ay Suuqa ka Hayeen, waxana ay ku  sii Socdeen Guryahoodii. Goobjoogayaal…

                                Read More