Gudoomiye Cusub oo loo Magacaabay Baanka Somalia ee ay iska Casishay Marwo Yusur
Muqdisho 28.Nov 2013 (SDN)- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u magacowday Bashiir Ciise Cali guddoomiyaha KMG ah ee bangiga dhexe ee Soomaaliya. Golaha wasiirrada ayaa maanta ansixiyay magacaabista Bashiir Ciise oo horey u soo noqday ku xigeenka guddoomiyaha iyo guddoomiyaha bangiga dhex ee Soomaaliya. Hannaanka lagu soo magacaabayo guddoomiye rasmi ah ayaa la sheegay inuu socdo….
