Taiwan oo soo dhaweysay soo jeedinta Aqoonsiga Somaliland

Hargeysa (QJ) – Xafiiska Taiwan ee Somaliland ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu kaga jawaabayo baaqii ka soo yeedhay Senator Ted Cruz, oo ah guddoomiyaha guddi-hoosaadka arrimaha Afrika ee Senate-ka Maraykanka, kaas oo kula taliyey in Washington ay aqoonsato madax-bannaanida Somaliland. Waxa kale oo ay sheegtay in aanay ka tirsanayn Shiinaha.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Taiwan ay aad ugu faraxsan tahay in Senator-ka uu u muujiyo taageerada uu u hayo aqoonsiga Somaliland, isagoo xusay in arrintaasi ay ku jirto danta qaranka Mareykanka. Xafiisku waxa kale oo uu xusay in Taiwan ay hore wada-hadal iyo is-faham arrintan ku saabsan ula yeelatay dalal ay isku fikrad yihiin iyo saaxiibo, isla markaana ay rajaynayso in taageeradu ay sii korodho.

Taiwan waxa kale oo ay sheegtay in xidhiidhka ay la leedahay Somaliland uu ku dhisan yahay qiyam dimuqraadi ah oo la wadaago, isla markaana ay rajaynayso inay hesho taageero caalami ah.

Waxa ay sidoo kale carabka ku dhufatay in Taiwan aysan waligeed xukumin Beijing tan iyo markii ay jirtay, sidaas darteed sheegashada Shiinaha ay tahay mid aan sal iyo raad lahayn. “Shiinaha iyo Taiwan midkoodna ma xukumo kan kale; Shiinuhu waligiis ma xukumin Taiwan xitaa ilbiriqsi.”

Shiinaha oo si degdeg ah uga jawaabay hadalka Taiwan, ayaa sheegay in Beijing ay mas’uul ka tahay Taiwan ayna tahay dowladda keliya ee sharciga ah; sidaas darteed, hadalka Taiwan waa marin habaabin.

Sidoo kale, Xafiiska Somaliland ee Taiwan ayaa sheegay in Somaliland aanay u hogaansami doonin cadaadiska Shiinaha, isla markaana ay la shaqayn doonto cid kasta oo ay isku aragti yihiin, sida Maraykanka iyo Taiwan.

Dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo dhinac ah, ayaa si weyn uga soo horjeeda xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, waxaanay ka shaqaynayaan sidii ay u joojin lahaayeen aqoonsiga. Dhinaca kale, Taiwan iyo Somaliland waxay ku dadaalayaan inay dhistaan xidhiidh caalami ah.