|

Taliyihii Ciidanka Asluubta Somaliland oo Dhaawac ka soo Gaadhay Shil Baabuur oo Ka Dhacay Duleedka Boorama

Boorama 04.Sep 2016 (SDN/QJ):- Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Cabdi Xudhuun ayaa Xalay Fiidkii Shil Baabuur galay kaas oo lagu dawaynayo Cisbitaalka Guud ee Magaalada Boorama.

taliye xudhuunSida Shabakada Qurbejoog uu Khadka Telefoonka ugu Sheegay Sarkaal ka mid ah Bah’da Cisbitaalka Magaalada Boorama Waxaa uu dhaawaca Taliyuhu Yahay Mid aan Sidaa u weynayn,Waxaana Sidoo Kale Dhaawac soo Gaadhay Dareewalkii Gaarka ahaa ee Taliye Xudhuun Warku Wuxuu intaas ku darayaa inay Cisbitaalka Boorama ku Booqdeen Taliyaha iyo Dareewalkiisa Wasiirul dawlaha Wasaaradda Beeraha Mudane Cabdiwaaxid C.qaadir C.raxmaan oo uu Weheliyo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise ‘’Mustafe Shiine’’.

Waa Markii Labaad ee uu Shil Baabuur Galo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Iyadoo Markan Markii ka horaysay uu ahaa Abaanduulaha Ciidamada Qaranka ee Jiidaha Xeebaha Galbeed ee Dalka.

Comments are closed