|

“TV-ga ama Jaraa’idka buunbuuninaya fool xumooyin dalkan halis ku ah, Waxaa Inta Aan Wasiirka Warfaaafinta Ahay Ballan Ku Qaadayaa In Aanu….” Wasiir Caddaani

Hargaysa 03.Sep 2016 (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay tallaabooyin adag ka qaadayso Masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dowladda ka tirsan iyo Saxaafadda buun-buuninaya ama ka qayb-qaata hurinta Colaadaha Qabiilooyinka ama Beelahas, isla markaana amarro ka soo saartay dagaal-beeleedka maalmihii Arbacada iyo Khamiista ee shalay iyo dorraad ka dhacay deegaanno ka tirsan degmada Ceel-afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag.

wasiir-caddaaniWasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), oo Jimcihii shalay Saxaafadda qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Madaxweynuhu amar ka soo saaray Colaadda deegaannada Dogoble iyo Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, dagaalladaas oo sababay dhimashada siddeed qof oo mid ka mid ahi yahay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Millateriga Somaliland, halka toddobada kalena dhinacyada diriray ka kala tirsan yihiin iyo dhaawac intaas ka badan.

Wasiir Caddaani, ayaa Hanjabaaddii ugu cuslayd muujiyey , isla markaana ku hanjabay inaanay jiri doonin TV-ga iyo Jaraa’idka ku kaca buun-buunin iyo fool-xumooyin dalka halis gelin kara sida uu hadalka u dhigay aanay ka sii jiri doonin Somaliland inta uu yahay Wasiirka Warfaafinta, halka uu sidoo kale sheegay in tallaabooyin adag laga qaadi doono Masuuliyiinta arrimo kuwaas oo kale ah ku kaca.

“ Markii ay madaxweynaha soo gaadhay arrinta ka dhacday Dogoble iyo Darar-weyne, isla markiiba waxaa uu armay wasiirka daakhiliga iyo ciidammada qaranka hadday millatari yihiin iyo hadday booliis yihiinba si loo kala dhex galo beellaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ka dhex taagan tahay. Waxaana ay madaxweynaha iyo dawladdiisu ay amar ku bixisay ciidammaduna ay amar ku qabaan in cid alla ciddii hubaysan hadduu shakhsi yahay iyo hadday koox yihiinba aan la ogolayn in ay wax hub ah magaallooyinka iyo tuullooyinka deegaannadaas lagu arki Karin”. Sidaasi ayuu yidhi wasiir Caddaani, waxana intaa ku  daray “waxaa ay ciidammadu amar ku qabaan in ciddii hubaysan ay gacan adag ku qabtaan hadday hubka dhigi waayaanaa  ay wixii ka yimaada masuuliyadeeda leeyihiin ciddaasi. Waxaa qudha ee madaxweyanaha iyo dawladdiisa saaran ee ugu horeysaa waxaa weeye sugida iyo ilaalinta shicibka nabadooda”. Ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu. “Dawlad iyo qaran jira ayaynu nahay shan iyo labaatan sanno jiray waqtigii beellaha hubaysan iyo 1991-kii waa laga soo baxay  mid aanu u dulqaadanayno iyo mid aanu qadarinaynana maaha ciddii hubaysan ee aanu aragnaa mid aanu u tudhaynana maaha dadkaas aanu sheegaynaa iyo cidda beel-qabiil wadda”.

Cismaan Cabdillaahi SAxardiid (Caddaani) oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale weedho digniin iyo hanjabaad isugu ladhan u jeediyey cid kasta oo xil ka haysa Somaliland  oo laga war helo inay hurinayaan collaadaha Sokeeye “Haddii uu Baarlamaan yahay, hadduu xukuumadda ku jiro iyo haddii uu nin shiciba yahay wax u dhexeeyaa ma jiraan, haddii uu sun wado oo ay qabyaalladi ku dheehan tahay oo aanu aragno inaanu qarankan u dan ahayn oo uu doonayo in uu dumiyo, kaasi nin inagga mida maaha. Xukuumadda adeer laguma gabbado iyo  in aad tidhaahdo xukuumaddaan ka tirsannahay ama Baarlamaankaan ka tirsanahay ama guurti baan ahay ama wasiir baan ahay, waxaasi oo dhan cidi kuma gabato oo shicibka kama duwanid. Ninka aanu waxaas ku qabano xilkasta oo uu hayo iyo meel kasta oo uu ka tirsan yahay waanu ka qaadaynaa oo  tallaabo ayaanu isagana  ka qaadaynaa”. Gebogabadii hadalkiisana waxaa uu Wasiir Caddaani farriin u diray warbaahinta Somaliland ee ku hawlan tebinta wararka iyo dhacdooyinka xiisadda abuuri kara “ TV-ga ama Jaraa’idka aanu ku aragno iyagoo buunbuuninaya qabyaallad iyo fool xumooyin dalkan halis ku ah, annagu waxaanu ka qaadaynaa  [ballan] inaanu jirin, inta aan anigu wasiirka warfaafinta ahay”. Ayuu yidhi wasiir caddaani.

Comments are closed