|

Telefoonkii uu adeegsan Adolf Hitler oo lagu xaraashayo lacag aad u Badan!!!

Parlin 19. February 2017 (SDN/QJ):-Telefoon uu isticmaali jiray hogaamiyihii Naaziga Jarmalka Adolf Hitler xilligii uu socday dagaalkii labaad ee dunida ayaa lagu xaraashayaa Mareykanka.

 

Sarkaalka qaabilsan xaraashka, Bill Panagopulos wuxuu sheegay in telefoonkan uu ahaa hub wax burburiya.

Hitler telefoonka wuxuu u adeegsan jiray inuu amarro ku siiyo ciidamada si ay dad u dilaan, intuu socday dagaalkii labaad, Sidaas waxaa ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.

Telefoonka gaduudan, oo ay ku dhegan tahay calaamaddii Nazi-ga, waxaa 1945-tii laga helay dhufeyskiisii Berlin.

Ciidamadii midowgii Soviet, waxay siiyeen askeri ka mid ahaa ciidamadii Britain, Sir Ralph Rayner, si uu xasuus uga dhigto ka dib markii Jarmalka la qabsaday.

Telefoonka oo lagu iibin doono Chesapeake ee Maryland, wuxuu qiimihiisa ka billaabanayaa $100 kun oo dollar.

Waxaa la filayaa in telefoonka oo suuqa uu keenay wiilka Sir Ralph, ugu dambeyn lagu gadi doono $300 kun oo dollar.

Comments are closed