|

10 Xaqiiqo Oo Ku Lammaan Qisada Haweenayda Adduunka Ugu Buuran Oo Wakhtigan Lagu Dabiibayo Dalka Hindiya

Qaahira 19. February 2017 (SDN/QJ):-Iimaan Cabdil Caadi waa haweenay u dhalatay waddanka Masar loona aqoonsaday in ay tahay haweenayda adduunka ugu buuran gaar ahaan haweenka taasi oo toddobaadkan baadhitaan caafimaad iyo daaweyn loogu qaaday waddanka Hindiya kadib markii laga soo dhoofiyey dalkeeda Masar oo ay muddo badan ku tabcaansanayd.

Miisaanka Imaan ayaa lagu sheegay ku dhawaad 500 oo Kiiloo Garaam waxaanay wakhtigan ku sugan tahay cisbitaal lagu magacaabo Savey Hospital oo ku yaalla Magaalada Mumbai ee dalka Hindiya kadib markii waalidkeed iyo eheladedu isku raaceen in dalkaasi hindiya loogu soo sameeyo qalliin lagu dhimo miisaankeeda xad dhaafka ah oo halis caafimaad ku haya nolosheedana khatar galiyey.

Qormadan kooban waxa aan ku eegi doonaa 10 arrimood ama xaqiiqo oo laga diyaariyey Buurnimada Iimaan waxaanay kala yihiin:

  1. Markii ay Imaan dhalatay waxa la sheegay in culayskeedu dhammaan 5-kiiloo balse markii ay gaadhay 11-jir ayay bilawday in ay u buurnaato si aan caadi ahayn.
  2. Marki I ay Iimaan ku jirtay fasalkeeda 5-aad waxa laga saaray dugsiga kadib markii ay waxba dhigan kari wayday iyada oo ay sabab u ahayd khalal ku yimid hormoono jidhkeeda ah oo u shaqaynayay si aan caadi ahayn kuna sababay buurnidan xad dhaafka ah.
  3. Markii ay 15-jir gaadhay gabi ahaanba waa ay socon kari wayday oo way gurguuran jirtay buurni daraadeed.
  4. 2014 waxa uu culayskeedu gaadhay in ka badan 300 oo Kg. xaddiga dufanka dhiiggeeda ku jiray ee batay ayaa ku keenay in faalig ku dhufto kaasi oo hadalka ka xidhay sariir yaalna ka dhigay.
  5. sannadkii 2015 waxa uu culayskeedu gaadhay 500 oo Kg. xaaladeeduna aadbay u liidatay waxaana loo aqoonsaday gabadha haweenka adduunka ugu buuran.
  6. isku dayo dhawr ah oo caafimaad oo loo sameeyey dalalka Masar iyo Giriigga kadi waxa toddobaadkan loo qaaday dalka Hindiya si loogu sameeyo qalliin iyo daaweyn.
  7. Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Hindiya Soshma Suaraj ayaa caawisay haweenaydan oo dalkeeda uga soo saartay fiise iyada oo u maraysa safaaradda Masar ee Hindiya.
  8. Waxa Iimaan lagu qaaday sariir gaar ah oo loo sameeyey oo ay muddo ku jiifto iyada oo aan dhinacna isku rogayn.
  9. Dalka Hindiya ayaa sidoo kale u diyaariyey sariir caafimaad oo qalliinka loogu sameeyo iyo sidoo kale daaweynta laguna baxnaaniyo. Waxa sariirtan isla qaban kara ku dhawaad 20 nin.
  10. Xaaladda Iimaan Cabdul Caadi ayaa wakhtigan sugan kadib markii loo sameeyey daaweyn iyo baadhitaano miisaankeediina laga riday illaa 70 Kg. waxaana loo diyaarinayaa qalliin ay dhawaan gasho.

Comments are closed