|

Tiradii ugu Badnayd ee Warbaahin ka socota Adduunka Oo Sannadkan  Si Weyn Uga Faallooday Munaasibadii 18-ka May,Halku Dhegyada ay Qaateen Iyo Falanqayntooda DAAWO

Hargaysa 26.May 2016 (SDN/QJ):- Warbaahinta ka hawlgala wadamo ku kala yaal shanta qaaradood ee dunida ayaa lagu daabacay warbixinno iyo warar ku saabsan xuskii sannad-guurradii 25-aad ee ka soo wareegtay maalinta qaranimadda Somaliland 18 May.

Warbaahinta-caalamka-qaarkoodWararka warbaahintu duniddu ka qoreen munaasibada qaranimadda Somaliland oo baddi la baahiyey maalintii dabaal-dega 18-May, ayaa illaa shalay weli qaar warbaahin kala duwan ku baahinayeen bogagooda.

Warbixin kooban oo weriye Maxamuud Walaaleye  Wuxuu ka soo ururiyey ciwaanada warbaahinta kala ah Telefishanada,Wargaysyada Iyo Idaacaduhu ka qoreen dabaal dega Rubuc qarniga ay Somaliland Jirtay Iyadoo Warbaahinta Caalamiga ah ee Wax ka qortay ay Kor  u dhaaftay ilaa soddon waxa intii ugu muhiimsanayd ahayd sidan:-

 

Cinwaan wargeys ka soo baxa dalka Koonfur Afrika oo magaciisa la yidhaahdo Daily Maverick ka qoray munaasibadda 18 May ayuu ku qoray: Somaliland waa 25 jir – Wakhti Beesha Caalamka taageerto xasilooida ka jirta Geeska Afrika.    “Somaliland waxay u xustay  25 sannadood oo madax-banaani ah, balse beesha caalamku aanay aqoonsan. Madaxweynaha Somaliland Mr. Axmed Maxamed Siilanyo waxa uu ugu  baaqay Beesha caalamka in aqoonsigii dalkiisu muddo dhaafay.

Wargeys ka soo baxa dalka Kuuriya oo magaciisa la yidhaahdo Topixnews ayaa ciwaan uu qoray u dhignaa: Somaliland – Dal Adduunku Ilaaway.“Xeerarkii Caalamka waxa ugu muhiimsan Gooni-isu-taag” oo ah awood dadku u leeyahiin inay go’aansadaan siday isku maamulayaan. waa xeerkii ogolaaday in wadammo cusub abuurmaan sida Koonfurta Sudan iyo Eriteria.

Telefishanka Faransiiska ee RFI ayaa barnaamij uu ka diyaariyey munaasibada 18 May cinwaan uga dhigay: Somaliland oo ka soo kabatay burbur, 25 sannadood madaxbanaani ka dib.“Munaasibada 25 guurada xuska 18 May, masuuliyiinta ugu sareeya ayaa sheegay inay buuxiyeen dhammaan shuruudahii looga baahnaa dal cusub, sida nidaam dimuqraadi ah, dhaqaale adag oo koraya iyo lacag u gaar ah, inkastoo taasi jirto, dalkan aan aqoonsiga haysan ayaa baddi lagu khaldaa jaarkooda Koonfurta, oo qalalaase hadheeyey.”

 

Wargeyska Desert News ayaa cinwaan uu daabacay u dhignaa Somaliland oo adduunka ka dalbanaysa aqoonsiga Madaxbanaanideeda.“Dalkan aan aqoonsiga haysan waxuu ka dalbanayaa caalamka aqoonsiga madaxbanaanidooda. Dalkan ayaa Arbacadii u dabaaldegay25 guuradii ka soo wareegtay, markii ay dib-ugala soo noqdeen madaxbanaanidooda Soomaaliya.

Wargeys ka soo baxa dalka Bangalasesh oo magaciisu yahay  News24.com, ayaa cinwaan ka dhigay:  ma hayaan aqoonsi 25 sannadood oo madaxbanaani ah Somaliland.

“Ma qarin karaan calanka saddexda midab leh, mushxarada haweenka  iyo baaqyada Madaxweynahu cadhada 25 sannadood oo madaxbanaani ah ayay xuseen iyagii garowshiiyo sugaya.”

Telefishanka FoxNews ayaa barnaamij uu ka diyaariyey 18 May cinwaan uga dhigay: Somaliland waxay dalbanaysaa aqoonsi caalami ah madaxbanaanideeda.

“Dalkan ictiraafka raadinayaa wuxuu mar kale ka dalbanayaa beesha caalamka aqoonsiga madaxbanaanidooda, kala soo noqdeen Soomaaliya”.

Wargeyska  The Times of India, oo ka soo baxa dalka Hindiya ayaa cinwaan uu daabacay ku qoray: Somaliland oo adduunka Ku boorisay  aqoonsiga madaxbanaanidooda.

Wargeyska Daily Star Lebanon ayaa cinwaan uu daabacay ka dhigay: “Somaliland oo adduunka ka codsatay aqoonsi ay ka helaan beesha caalamka”.

Idaacada codka Maraykanka ee VOA ayaa war ku saabsan munaasibada 18 May oo lagu daabacay cinwaan uga dhigtay: Somaliland u dabaaldegtay 25 sannadood oo madaxbanaani ay ku dhawaaqeen        “Somaliland waxay u damaashaaday  sannad-guurrada 25-aad ee madaxbanaanidooda, laakiin, weli beesha caalamku uma aqoonsan dal madaxbanaan, welina lagu tiriyaa inay ka tirsan tahay Soomaaliya. helitaanka aqoonsi caalami ah, weli ma muuqdo gaadhitaankiisu, xilli xuska 18 May sannadkan ka muuqdaan dad, lo’, geel, iyo libaax lagu soo xardhay astaanta calanka Somaliland.

Wargeys lagu magacaabo US News ayaa cinwaan uu qoray ka dhigay: Somaliland waxay doonaysaa aqoonsi caalamku siiyo.

Wareyska Journal News ayaa cinwaan u qaatay :Somaliland waxay doonaysaa ictiraaf ay u helaan madax-banaanidooda.“Dalkan aan aqoonsiga haysan ayaa mar kale ku celisay dalabkooda aqoonsi beesha caalamku siiyaan madaxbanaaninooda kala soo noqdeen Soomaaliya.

Wargeyska Richmond Times Dispatch ayaa cinwaan ka dhigay Somaliland oo doonaysa aqoonsiga adduunka.

Sidoo kalena Wargeyska The Roanoke Times ayaa kaas hore kala mid ahaa ciwaanka uu u soo qaatay baahintii munaasibaddii 18-kii May.

Wargeyska Dayton daily News ayaa cinwaan u qaatay Somaliland Dal dadaal ugu Jira Helitaanka Aqoonsi Caalami ah:

Wargeyska Modern Ghana ee dalka Ghana ka soo baxa ayaa cinwaan u qaatay: Ma jiro bilaydh qalin ah Somaliland 25 sannadood madaxbanani ah.

Wargeyska Star Telegram ayaa qormadiisa hal ku dhig uga dhigay  Somaliland oo dalbanaysa aqoonsi caalami ah.

Wargeysyadda  The News Tribune, Palm Beach Post,  Springfield News-Sun iyo Wargeyska The Miami Herald ayaa warbixinno dhaadheer kaga faallooday munaasibadii 18-kii May ee Somaliland.

Idaacada Afka Ingiriiska ayaa cinwaan uga dhigtay Somaliland: waxay abuurtay guulo madaxbanaanidooda. “Dhab ahaan, 25 sannadood horteed, ka dib dagaalo qadhaadh, goboladii hore Waqooyi, dalkii Soomaaliya, waxay kala soo noqdeen madaxbanaanidooda Soomaaliya, kuna dhawaaqeen. Rubuc-qarni dabadeed, weli ma jiro dal keliya oo aqoonsada, laakiin dalkan dad gaadhay saddex milyan iyo badh ku nool yihiin, ayaa shaki la’aan ah meelaha ugu xasilooni, uguna dimuqraadisan geeska Afrika.

Baahinta warbaahinta caalamku kaga hadleen sannadguuradii 25 ee ka soo wareegtay munasibadii xuska 18 May, ayaa noqonaya mid wax weyn ku kordhin doona bulshada caalamka inay aqoon dheeraad ah u yeeshaan qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.



Comments are closed