|

Tobankii Sano ee Lasoo Dhaafay oo Ilaa 100 Soomaali ah Lagu Dilay Canada

CANADA

Al-marxuum Amiin Maxamed Cabdullaahi (Hamza Tyme)

Toronto (QJ/SDN) – Tan iyo sanadkii 2005 waxaa dalka Canada siyaabo kala duwan loogu dilay dhallinyaro Soomaaliyeed oo gaadhaya ilaa 100.

Badi lama helin oo gacanta laguma soo dhigin dadkii ka dambeeyay dilkooda. Waxaa falal dambiyeedkaas badankoodu ka dhaceen magaalooyinka Calgary, Edmonton iyo kuwo kale sida caasimada Toronto.

Qofkii ugu dambeeyay ee maqaadiirtaasi ku habsatay ayaa waxaa uu ahaa wiil lagu magacaabi jiray Amiin Maxamed Cabdullaahi (Hamza Tyme) oo la dilay habeenkii isniintii lasoo dhaafay ay soo galeysay.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku biiray budhcadda isleysa kadib markii ay fursado dalkaa ka heli waayeen oo ay qalbi jabeen.

Hamza Tyme walaalkii ayaa sidoo kale la dhaawacay isla habeenkaas oo haatan lagu dabiibayaa isbitaal kadib markii qalliin caafimaad lagu sameeyay. Booliska ayaa sheegay in dad goob joog u ahaa dhacdadaa oo toogasho ahayd ay u sheegeen in budhcad isxabadeyneysa ama daroogo ay sabab u ahaayeen fal dambiyeedkaa.

Comments are closed