|

Turki oo lagu caadaadinayo in ay tilaabo sharci ka qaado wiilka Xasan Sheekh

Istanbu December 12, 2023 (QJ) -Dowladda Turkiga ayaa cadaadis lagu saarayaa inay baaritaan dhab ah ku sameyso dhacdo  la xiriirta qof ku dhintay Istanbul, kaddib shil baabuur oo dhacay 6-dii December. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Yunus Emre Gocer oo 38 jir ahaa kuna shaqeysan jiray Mooto  uu jiiray gaari uu watay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud. Dhacdadan ayaa ka dhacday waddo mashquul badan oo ku taalla magaalada Istanbul.
Maamulka Turkiga ayaa amar ku bixiyay in la soo xiro Maxamuud, waxaana laga mamnuucay inuu dalka ka dhoofo shilka ka dib, balse waxaa la sheegay in wiilka uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya uu horay uga dhoofay Turkiga, ka hor inta aanu warkan soo baxin.
Ka dib waxaa magaalada Istanbul ka dhacay banaan bax ay ku dalbanayeen dadka mootooyinka ku shaqeysta  oo dalbanayay in wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya la horkeeno Maxkamad ku aadan dilka Gocer.
Ekrem Imamoglu, duqa magaalada Istanbul, ahna siyaasi mucaarad ah oo caan ah, ayaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyay muuqaalka dhacdadan, isagoo walaac ka muujiyay in dowladda ay aad u liidato oo aaney difaaci kareyn xuquuqda muwaadiniinteeda.
Wasiirka cadaalada Yilmaz Tunc oo dhacdadan ka jawaabaya ayaa sheegay in la bilaabay hannaan Sharci oo caalami ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dowladdu ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan halka uu hadda ku sugan yahay wiilka uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana warar is khilaafsan ka soo baxayaan ilo diblomaasiyadeed oo Soomaali ah oo ku sugan dalka Turkiga.
Turkiga ayaa xiriir dhow la lahaa Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011, isagoo ku caawiyay Soomaaliya gargaarka bini’aadantinimo, mashaariicda horumarinta dhaqaalaha, iyo tababarka ciidamada. Dowladda Turkiga ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa door muhiim ah ka ciyaartay garab istaagga Soomaaliya xilliyadii ay dhibaatooyin jireen.

Comments are closed