|

Turkiga oo Saldhiggii ugu weynaa ee Millateri ee uu Dunida ku Yeesho ka Furtay Soomaaliya DAAWO

Muqdisho 30. September 2017 (SDN/QJ):-Taliyaha guud ee Ciidammada Millateriga Turkiga, ayaa Sabtidii Maanta Xadhigga ka jaray ama furay Saldhig Millateri oo ay Dawladda Turkigu ka hirgalisay duleedka magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya. Saldhiggan ayaa noqonaya Xarunta Tabobbar ee ugu weyn Adduunka ee uu Turkigu ka hirgeliyey meel ka baxsan gudaha waddankiisa.

Munaasabadda Furitaanka Saldhigga oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Millateri ee Trurkiga iyo Soomaaliya, ayaa waxaa sidoo kale lagu casuumay Wakiillada Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya, Saraakiil ka socda AMISOM, Midowga Yurub iyo Gaashaanbuurta NATO.

 

Dawladda Turkigu waxay sheegtay in Saldhiggani halkii mar lagu tabobbabari karo inkabadan kun iyo shan boqol oo ah ciidammada dowladda Soomaaliya. Ula jeeedada saldhiggani ayaa la sheegay inay tahay sidii loo xoojin lahaa ciidammada milateriga ee Soomaaliya, si loo soo afjaro dagaalka ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Inka badan labaatan Askari oo ah kuwa nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika iyo Ciidammo kale oo Ajnabi ah, ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo halkaasi u jooga taakuleynta Ciidammada dawladda iyo sidii looga adkaan lahaa Al-shabaab.

 

Saldhiggan oo loo dhisay qaab casri ah, ayaa ku yaalla deegaanka Xeebta Jasiira ee magaalada Muqdsho oo dhinaca ku haysa Badweynta Hindiya, waxaana dhismahani uu ku fadhiyaa dhul dhan 4 Kiiloomitir oo isku wareeg ah. Saldhiggani ayaa waxa uu sidoo kale leeyahay Darbi Shub ah iyo Dhismayaal casri, halkii marba waxa lagu tabobbari doonaa Ciidan dhan Kun iyo Shan Boqol oo Askari (1500) oo loo tabobbari doono Ciidammada Federaalka Soomaaliya, sida ay Masuuliyiinta Durkiga iyo Soomaaliya u hadlay furitaankii Saldhiggaas ka sheegeen.

 

Madaxdii halkaasi ka hadashay oo isugu jira Soomaali iyo Turki, ayaa ku nuxnuuxsaday in saldhigani uu gacan ka geysan doona sidii loo tayeen lahaa ciidammada dowladda. Dugsigan tabobbarka, ayaa u sahli doonaa Wasaaradda Gashandhiga ee Soomaaliya sidii loo qalabeyn lahaa Ciidammada dawladda.

 

Taliyaha ugu sareeya Ciidammada Millateri ee Soomaaliya Axmed Jimcaale Cirfiid, ayaa sheegay in dhibaato ay ku qabeen qalabeynta Ciidammada marka la tabobbaro, waxaana uu bogaadiyay tallaabadan dawladda Turkigu ay Saldhigga kaga hirgalisay gudaha waddanka Soomaaliya.

 

Sidookale Taliyaha ugu sarreeya Ciidammada dalka Tukiga Generaal Hulusi Akar, ayaa ka hadlay Xafladaasi, waxaanu sheegay in Ciidammo loogu tabobbari doono Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Waxaannu Soomaaliya ka dhisnay Xarunta Ciidan ee ugu weyn Saldhigyada Turkiga ee Dunida, marka laga yimaaddo gudaha dalka Turkiga.”

 

Gebo-gabadii Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Dugsigani uu aasaas u noqon doono dhismaha Ciidanka cusub ee Soomaaliya.  Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa intaa ku daray in Soomaaliya ay u baahantahay ciidan qaran oo aan qabiil aheyn, waxaan Dugsigan tabobbarka uu sheegay in uu bilaw u yahay horumarka cusub ee dhanka Gaashaandhigga.

Comments are closed