|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Maanta Wareegto Ku Soo Saaray Sadex Qodob oo Laf dhabar u ah Qabsoomida Doorashadda Madaxtooyadda Iyo in Si Daahfuran loo Tartamo AKHRI

Hargaysa 30. September 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne ku dhaqan geliyey saddexdan arrimood oo Muhiim u ah Doorashada Madaxtooyadda ee Ku astaysan 13-ka Bisha Novembar ee Sannadkan

Sadexdan Wareegto ayaa Kala ah  1. Reebbanaanta U Adeegsiga Hantida Qaranka Ololaha Xisbiyada, 2. Isticmaalka Warbaahinta Dawladda iyo Fagaarayaasha Wakhtiga Ololaha Doorashada iyo 3. Gacan Siin Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Wareegtada Kowaad ayaa Madaxweynuhu ku Socodsiiyey Golaha Wasiiradda, Gudoomiyeyaasha Gobolada,Gudoomiyeyaasha Degmooyinka,Madaxda Hay’adaha dawlada ee Madaxa banaan halka uu Ogaysiin ku siiyey Komiishanka Doorashooyinka Taas oo Nuxurkeedu yahay Reebanaanta u adeegsiga Hantida Qaranka ee Ololaha Xisbiyada Waxaanu Madaxweynuhu Ku Yidhi:

 

Mudanayaal,

Sida aynu wada ognahay, waxa dalka ku soo fool leh doorashada Madaxtooyada oo u qorshaysan 13-ka November, 2017-ka. Sidaa darteed, waxa reebban in hantida qaranka nooc kasta oo ay tahay ba in loo adeegsado ololaha doorashada ee axsaabta qaranku ay ku loolamayaan.

 

Waxa kale oo reebban in Shaqaalaha Dawladda, Saraakiisha iyo Xubnaha Ciidammada ee kala duduwani, in ay galaan ololaha doorashada ee axsaabta qaranka.

 

Waxaan rajaynayaa in amarkaasi oo sidiisa u fulo. Cid kasta oo baal martana, waxa laga qaadi doonaa tallaabo ku habboon oo sharciga waafaqsan.

Wareegtada Labaad ayuu Madaxweynuhu ku socodsiiyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyigelinta,Gudoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka, Halka uu Ogaysiin ku siiyey Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Iyo Wasiirka arrimaha Gudaha Waxayna Wareegtadani ku Saabsan Tahay Isticimaalka Warbaahinta Dawlada Iyo Fagaarayaasha Wakhtiga Ololaha Doorashada Waxaanu Madaxweynuhu Ku Yidhi Sidan:-

 

Mudanayaal,

Sida aynu wada ognahay, waxa dalka ku soo fool leh Doorashada Madaxtooyada oo ku muddaysan 13-ka November, 2017-ka. Sidaa darteed, aniga oo ka duulaya Qodobka 26aad ee Xeer Lr. 20-2/2005, iyo Xeerka Hab-dhaqanka ee Xisbiyada oo faraya in Xisbiyada Qaranka u sinnaadaan muddada ololaha doorashada isticmaalka warbaahinta dawladda iyo fagaarayaasha khayriyadda.

 

Waxaan idin farayaa, idinkuna adkaynayaa in loo sinnaado muddada baahinta (hawo kujiridda) ee Idaacada Radio Hargeysa, TV-ga Qaranka iyo Wargeysyada Dawladda, isla markaana si isku mid ah loo adeegsado fagaarayaasha khayriyadda ee gobollada iyo degmooyinka dalka.

 

Waxaan mar labaad, idin farayaa in aad dhaqan gelisaan shaxda qoondaynta ololaha ee saddexda xisbi qaran iyo sii deynta barnaamijyada ololaha doorashada ee ay soo saarayaan Komishanka Doorashooyinka, si loo helo in dalka ay ka qabsoonto doorosho xor iyo xalaal ah oo loo siman yahay.

Dhanka Kale Waxa uu Madaxweynuhu Wareegto ku soo Saaray Gacan siinta Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Taas oo uu ku Socodsiiyey Golaha Wasiiradda,Gudoomiyeyaasha Gobolada,Taliyeyaasha Ciidamadda,Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa bannaan Waxaanu Madaxweynuhu ku yidhi. Mudanayaal

 

‘’Sida aynu wada ognahay, waxa dalka ku soo fool leh Doorashada Madaxtooyada oo u qorshayan 13-ka November, 2017-ka. Sidaa darteed, idinka oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda aad qaranka u haysaan, waxa la idin farayaa in aad ka gacan siisaan Komishanka Dooraashooyinka Qaranka gudashada waajibaadka qaranka ee ku aaddan qabsoomidda doorashada Madaxtooyada, idinka oo raacaya shuruucda iyo xeerarka Dalka u dejisan.

 

Waxaan mar labaad, idinku adkaynayaa ayuu Madaxweynuhu Yidhi in aad gacan buuxda ka siisaan Komishanka heerarkiisa kala duduwan ee qaran, gobol, degmo iyo goob kasta, kana digtoonaataan wax kasta oo u muuqan kara fara-gelin, una diyaarisaan goobaha ay u baahan yihiin sida Dugsiyada, Xannaanooyinka, Goobaha Dawladda ee ay u baahdaan.

 

Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Taliyeyaasha Ciidammada Qaranka, waxa si gaar ah loo farayaa in ay ka gacan siiyaan Komishanka heer Gobol, heer Degmo iyo heer goobeedba, hawlaha nabadgelyada iyo xasilinta amniga, muddada doorashadu socoto ka hor iyo kadib, iyaga oo ahmiyad weyn iska saaraya arrimaha keeni karaya nabad-gelyo darrada.

Waxaa Warsaxaafadeedkan ku Saxeexan Afhayeenka Madaxtooyadda somaliland Xuseen Aadan Cige Dayr.

Comments are closed