|

Ugaaska Guud Ee SAMAROON Oo Ku Baaqay Wada-hadallo Laga Yeesho Muranka Dhuleed Ee Waqooyiga Hargeysa DAAWO

Ottowa, 8 September, 2016-(SDN/QJ): – Ugaaska Guud ee Beelaha Samaroon Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, ayaa ku baaqay Wada-hadallo Guud oo laga yeesho Muranka Dhuleed ee ka taagan Lixda Goobood ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, si loo baajiyo Colaad sokeeye oo ka qarxa halkaasi.

ugaaska-guud-ee-beelaha-samaroon-ugaas-cabdirashiid-ugaas-rooble-ugaas-doodiUgaaska oo ka hadlayey Kulan uu Qurba-joogta Beelaha Samaroon ee Kanada ugu qabtay Magaalada Ottowa, ayaa sheegay in duulaan lagu hayo Dhul uu sheegay in Beesha uu Ugaaska u yahay leedahay oo ku yaalla Waqooyiga Hargeysa, sidaa daraadeedna wuxuu feejignaan ugu baaqay Dadka ka talo-qaata.

Ugaaska oo ugu horeyn ka hadlaya Heshiiska Nabadeed ee Guud ahaan Beelaha Somaliland, ayaa yidhi, “Waxaynu ku heshiinay (Somaliland ahaan) in Nabadgalyo la samaysto, laakiin waxa soo baxday dulmi ah in Dhulkiiba la innagala Wareego innagoo nool, taasina waxaanu aqbalayno Maaha.”

Ugaasku wuxuu ku baaqay Wada-hadallo Nabadeed oo laga yeesho muranka dhuleed ee Waqooyiga Hargeysa, “Sharcigu waxa weeye in Meel lagu wada hadlo la isugu yimaaddo, Dhulkana Waraaqihiisii waanu haynaa (Sharcigii Dhulka), Dawladdii Ingiriiska ee Dhulkan kala xadeysay way joogtaa. Waxaan leeyahay wixii aad haysaan soo dhiga, ama Warbaahinta soo mariyo waxaad haysaan (Ee sharciya), wixii aanu haynana waanu keenaynaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “25-kaa Sannadood Nabad ayuun baanu haynay ee wax kale oo dhaqaale ah kumaynaan Qabin (Samaroon ahaan). Buuraha Siimoodi waxa dhaqaale lagala baxayo waanu ognahay, wax lagu soo celiyaa ma jiraan, oo Waddooyin ah ama wax kale ah. Markaa Ducaa la inoogu bartee waanu iska joojinaynaa Ducadii.”

Ugaasku waxa kale oo uu sheegay, “Waxaan leeyahay Dadkeenu ha feejignaadaan oo ha soo jeedaan.intaa waalla hadlayaa oo Saami-qaybsibaa laga hadlayaa, laakiin innaga Nabadgalyada ayuun baa ina deeqday haddii ILAAHAY mesaha inna dhigayna way ooleynaa.”ayuu yidhi, isagoo intaa raaciyey in Wakhti hore uu Borama geeyay Farsamo-yaqaanno Caalamiya oo uu doonayey inay dhisaan Dekedda Lughaya isla-markaana Waddooyin ka hirgeliyaan deegaannada AWDAL ay Dawladdu ku amartay inuu ku soo celiyo Magaalada Boorama, laakiin aanu wakhtigaa ka hadal, anigoo ka cararaya buu yidhi in Dadku kacaan oo halkaa dhibaato amni daro ka dhacdo.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo Toddobaadkii hore ka hadlayey Magaalada Gabiley, ayaa Waxgaradka Reer AWDAL u diray farriin ku saabsan muranka ka taagan Lixda Goobood ee Waqooyiga Hargeysa ee Dawladdu doonayso inay Diwaangelinta ka samayso, waxaanu u soo jeediyey inay muranka iska daayaan oo ay duco uu sheegay inay caan ku ahaayeen sii wadaan.

Comments are closed