Uncategorized

UNHCR oo Tendhooyin u qeybisay Qaxooti ku nool Libya iyo tiradii ugu badneyd oo qaxooti ah oo dalkaasi gaartay

Tripoli May 04 2013 (SDN)— UNHCR Laanta qaxootiga Qaramda Midoobay ayaa sheegtay in horaantii todobaakii la soo dhaafay ay 350-tendho ugu deeqeen boqolaal qaxooti Afrikan ah, kuwaasi oo guryahoodii ka cararay markii ay daadad ku dhufteen Koofur – Bari dalka Libya.

Roobab da’ay Todobaadkii hore ayaa daadad ka dhashay waxa ay waxyeeleeyeen guryo ay ku noolaayeen qaxooti badan, waxaana daadadkaasi ku dhintay 5-ruux, daraasiin kala waa ay ku dhawacmeyn.

Magaalooyinka koofurta Libya kuyaalla ee daadadka ay ku dhufteen waxaa kamid ah: Immralanib, Majdol, Tarpo, Zaolya iyo Hemerah, kuwaasi oo ay ku nool yihiin qaxooti badan oo Afrikan ah oo dalkaasi Tahriib ku gaaray.

Ugu yaraan 584 qoys oo ka kooban 3-kun oo ruux ayaa ku qasbanaaday in ay guryahoodii ka cararaan, waxaana qoysaskaasi ku jira 25-qoys, kuwaasi oo ka barkacay dagaaladii u dhexeeyay dowladda iyo mucaaradka ee ka dhacay gobolka Kufra ee dalka Libya.

Axadii hore ayaa Wasaarada Difaaca Libya diyaarado ay leedahay waxa ay 350 qoys u qaybiyeen Tendhooyin kuwaasi oo ay bixisay UNHCR, iyadoo dadka la siiyay ay ku noolaayeen goobaha sida xun ay daadaka u saameeyeen.

Dadkaasi ayaa sidoo kale waxaa loo qeybiyay  cuno, dhar iyo waxyaabo kale oo ay bixiyeen Bishacas ee Libya iyo NGO-yo Maxali ah .

UNHCR ayaa sheegtay in dhawaan ay kordheen tirada dadka qaxootiga ah ee galaya Libaya waxaana ay intaasi ku dartay in qaxootiga ugu badan ee gaaraya dalkaasi ay ka soo kala jeedaan wadamada Somalia, Eritrea, Ethiopia  iyo Sudan.

SDN-Tripoli