|

USA: Wiil Labo sano jir ah oo Hooyadii toogtay iyo Qaabka uu u dilay

BAASKOOLAD

Washington, 28,4,2016 (QJ/SDN) – Wiil yar oo labo sano jir ah ayaa la sheegay in uu hooyadiiss ku dilay magaalada Milwaukee Wisconsin ee dalka Maraykanka, kadib markii uu xabad ka riday biskoolad saarneed gaadhiga Hooyadiis.

Booliiska ayaa sheegay in wiil yar oo jira labo sano uu xabad ku dhuftay Hooyadiis oo lagu magacaabo Patrice Price oo 26-sano jir aheed, xili uu wiilkan gadaal dambe ka saarnaa gaadhi ay hooyadiis kaxeeneysay.

Bistoolada uu dilka ku geystay wiilkan ayaa saarneed kursiga dambe iyada oo cabeysan, waxaana la sheegay in Wiilkan yar uu Bistoolada soo aadiyay dhinaca hooyadiis kadibna uu riishada taabtay sidaasna ay xabado uga dhaceen.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in wiilkan yar la baray sida bistoolada loo cabeeyo loona taabto riishada, waxa ayna tilmaameen in ay wadaan baadhitaan ku aadan dilka wiilkan yar uu u geestay Hooyadiis.

Dalka Mareykanka ayaa caan ku ah dhacdooyinka noocaan oo kala ah iyo dilalka ay mararka qaarkood geystaan caruurta yar yar, waxaana arintaasi sabab looga dhigay hubka oo qof kasta gacanta ugu jira aysana jirin sharci adag oo xakameenaya.

Comments are closed