|

Waa “Dhunkashada Dhimashada” in Qudus ay noqoto caasimadda Israa’iil & Dareeno adag oo Caalamku ka Bixiyeen!!!

Washington 06. December 2017 (SDN/QJ):-Waa shaacin aan la fileyn in madaxweyne Trump uu noqdo qofkii ugu horeeyay ee Qudus u aqoonsada in ay tahay caasimadda Israa’iil.

Dadka Falastiiniyiinta waxay ugu magacdareen in Qudus ay noqoto caasimadda Israa’iil, “dhunkashada dhimashada” in ay ku noqoneyso hannaanka nabadda ee bariga Dhexe.

Laakiin wasiir Israa’iili ah ayaa dowladaha kale ee caalamka ugu baaqay in ay raacaan waddada Mareykanka.

Arrintan uu khilaafka ka taagan yahay ayaa la filayaa in Trump uu ka sheego hadal uu jeedin doono gelinka dambe.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Trump uu shaaciyo in safaaradda Mareykanka ee ku taalla Tel Aviv loo raro Qudus, balse waxay taasi qaadan kartaa sannado.

Arrintan laga filayo dowladda Mareykanka ee ah in Qudus loo aqoonsado in ay tahay caasimadda Israa’iil ayaa dhalisay caro caalami ah iyo digniino.

Israa’iil waxay soo dhoweysay isbedelka laakiin Falastiiniyiinta iyo hoggaamiyayaasha Carabta ayaa ka digay khatarta arrintan ay u keeni karto hannaanada nabadda ee Bariga Dhexe.

Wakiilka Falastiin ee Britain, Manuel Xassassiyan, wuxuu BBC-da u sheegay in bedelidda siyaasadda dibadda ee Mareykanka ay noqoneyso “dhunkashada dhimashada” oo saameysa xalka loo raadinayo in laba dal oo deris ah ay noqdaan Falastiin iyo Israa’iil.

Sidoo kale wuxuu tallaadaasi ku tilmaamay in ay la mid noqoneyso “shaacin dagaal”.

“Wuxuu noqonayaa rarkii ugu dambeeyay ee dhabarka ka jebiya ratiga,” ayuu yiri. “Ulama jeedo dagaal gacan ka hadal ah, balse waa dagaal diblumaasiyadeed.”

Wasiirka waxbarashada Israa’iil Naftali Bennett wuxuu qorshaha Trump ku tilmaamay “tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka nabadda gobolka”, sidoo kale wuxuu dalalka kale ugu baaqay in safaaradohooda u raraan Qudus.

Wuxuu intaa ku daray in tallaabada noocaas ah ay qasbeyso in “cadowga Israa’iil” aysan aqbalaan in Qudus aysan qeybsamin.

Sacuudiga oo saaxiib dhow la ah Mareykanka ayaa tallaabadan cusub ku tilmaamay “daandaansi qayaxan oo ku wajahan Muslimiinta”.

Israa’iil waxay Qudus u aragtaa caasimaddeeda, halka Falastiiniyiinta ay doonayaan in Bariga magaalada Barakeysan ay noqoto caasimaddooda mustqabalka.

Haddii Trump uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil, Mareykanka wuxuu noqonayaa dalkii ugu horeeyay ee sadaasi sameeya, tan iyo aasaaskii Israa’iil sannadkii 1948.

Maxay tahay doodda ragaadisay xaaladda magaalada barakeysan ee Qudus?

Arrinta Qudus waxay xuddun u tahay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin oo taageero ka heleysa dalalka Carabta iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka.

Magaalada waxay meel barakeysan oo diimeed u tahay Muslimiinta, Yahuudda iyo Masiixiyiinta, si gaar ah bariga magaalada Qudus.

Israa’iil ayaa qeybtaasi Bariga ka qabsatay Urdun ka dib dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, waxeyna magaalada oo dhan u aragtaa in ay tahay caasimaddeeda aan la kala goyn karin.

Sida uu dhigayo heshiiskii nabadda ee Israa’iil iyo Falastiin ee 1993, marxaladda magaalada Qudus waxay ahayd in looga doodo kulamadii ka dambeeyay midkii lagu saxiixay heshiiskaasi.

In Qudus ay leedahay Israa’iil weli caalamka muusan aqoonsan, dunida oo dhanna waxay safaaradohooda ku yaallaa Tel Aviv.

Tan iyo 1967, Israa’iil waxay Bariga Qudus guryo badan uga dhistay qiyaastii 200,000 oo Yahuud ah. Caalamka ayaa deegaameyntaas u arka mid sharci darro ah, In kastoo Israa’iil ay diiday arrintaas.

Haddii Mareykanka uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil taasi waxay noqoneysaa in guryaha bariga Qudus ay sharci u leeyihiin Bulshada Yahuudda.

Muxuu yahay Qorshaha Mareykanka?

Saraakiisha sare ee maamulka Trump waxay sheegeen in Qudus loo aqoonsado Caasimadda Israa’iil in ay tahay in Mareykanka uu “gartay xaqiiqada”.

Sikastaba, Xudduudaha gaarka ah waxay sii ahaan doonaan muwduuca heshiiska ugu dambeeya, sida ay saraakiishaasi sheegeen. Waxay intaa ku dareen in xaaladda goobaha barakeysan aysan arrinta saameyn doonin.

Madaxweyne Trump wuxuu sidoo kale amri doonaa in waaxda arrimaha dibadda ay bilawdo hannaanka safaaradda Mareykanka loogu rarayo Qudus. Laakiin tallaabadaasi waxay qaadan doontaa sanado badan maadaama ay ka fikiri doonaan goobta laga dhisayo iyo arrimaha amniga.

Donald Trump wuxuu arrintaas u ballanqaaday cod-bixiyayaasha Yahuudda, xilligii ololaha doorashada uu ku jiray.

Mr Trump ayaa xaqiijiyay in uu xoogga saari doono heshiis nabadeed dhexmara Israa’iil iyo Falastiin, kaas oo uu hogaaminayo wiilka uu sodogga u yahay ee Lataliyaha sare u ah, Jared Kushner.

Siduu caalamka uga jawaabay?

Mr Trump waxaa telefoonka ka wacay dhowr hoggaamiyayaal si ay ugu wargeliyaan go’aankooda ku aadan arrinta.

Boqorka Sacuudiga Carabiya, Salman bin Cabdulcaziz al-Sacuud ayaa Trump u sheegay in safaaradda Mareykanka laga dhiso Qudus iyo in magaalada loo aqoonsado caasimadda Israa’iil “ay noqon doonto daandaansi qayaxan oo ku wajahan Muslimiinta caalamka oo dhan”.

Sidoo kale, hoggaamiyaha Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabbas ayaa ka digay “cawaaqib xumada ka dhalan kara go’aan noocaas ah oo saameeya hannaanka nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka oo dhan”

Hoggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniya wuxuu ku baaqay in dibad baxyo la sameeyo Jimcaha soo socda

Boqorka Urdun, Cabdullah wuxuu sheegay in go’aankaasi “uu wiiqi doono dadaalka boorka looga jafayo hannaanka wadahadallada nabadda”

Madaxweynaha Masar, Cabdulfatax Al-sis wuxuu Trump ugu baaqay “in uusan uga sii darin xaaladda cakiran ee gobolka”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu tilmaamay in dalkiisa uu xiriir xun la yeelan doono Israa’iil

Pope Francis wuxuu qiray in wada hadal oo keli ah loo mari karo “garashada xuquuqda dadka oo dhan” ee ku nool gobolka

Shiinaha wuxuu ka digay sii hurinta xiisadda xun ee hadda ka taagan Bariga Dhexe.

Shaqaalaha dowladda Mareykanka iyo qoysaskooda waxaa laga hor istaagay in ay u safraan bariga magaalada Qadiimiga ah ee Qudus iyo Daanta Galbeed ka dib markii ay soo baxday cabsi dhanka amnigooda ah, waxaana la filayaa isu soo baxyo.

Wasiirka Sirdoonka Israa’iil oo lagu magacaabo Israel Katz wuxuu idaacadda ciidamada u sheegay in “ay isu diyaarinayaa wax kasta” sida in ay rabshado dillaacaan.

Faransiiska, Midowga Yurub iyo ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankooda walaac ka muujiyay saameynta uu yeelan karo go’aanka Trump.

Xigasho BBC Somali

Comments are closed