|

“Masjid Al Aqsa waa diilinta casa ma gaduudan ee islaamka, Waa magaalo muslimiinta ay iska leeyihiin, Waan la dagaalami doonnaa cid walba oo Qudus u aqoonsata caasimad dal kale” Madaxweynaha Turkiga oo Digniin adag u diray Dhigiisa Maraykanka!!

Ankara 06. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxwaynaha Turkiga Erdagon ayaa si adag uga hadlay Go’aanka la eegayo inuu ku dhawaaqo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee uu Safaaradiisii Tel Aviv ugu rarayo Magaaladda Qudus si ay u noqoto Caasimadda Isra’il.

“Waxaan si toos ah ugu digayaa Trump iyo mareykanka. waxaa u fiican in aysan faraha lasoo galin arimaha Qudus. Waxa ay ku sheegeen Jaresusalam inagu waxaan u naqaan magalada Qudus”

“Masjid Al Aqsa waa diilinta casa ma gaduudan ee islaamka, waa halka shanta salaadood Rasuulkeena maxamed looga soo dhiibay. Waa magaalo muslimiinta ay iska leeyihiin”.

“Waan la dagaalami doonnaa cid walba oo Qudus u aqoonsata caasimad dal kale. waana dagaalameynaa ilaa meesha ugu dambeeysa aan gaarno”.

“Daciifnimada madaxda islaamka ayey arkeen kadib maanta waxey leeyihiin Qudus waa caasimda Israa’iil. Bal fiiriya waxaas?”

“Alle wuunagu imtixaanayaa midaan. Ma difaacan karnaa Qudus? haa, Maka ilaalin karnaa dugaaga kusoo wajahan? haa, lakin niyadeena cabsi yaan laga dareemin”.

“Masjid Al Aqsa iyo Magaalada Qudus ma noqon karaan dhul yahuudeed. Trump waxaan leeyahay garo waxa dalkaaga faa’ido ah. Anaga Insha Allah waan difaaceeynaa Qudus waa balan, waa balan”

Kadib qudbada markuu dhameeyay barlamaanka Turkiga ayaa islamarkii ku qeyliyay Allahu akbar, Allahu Akbar, Allahu Akbar. Waxaani si weyn u soo dhoweeyay malaayiin muslimiin ah oo la dhacay cabsi la’aanta Erdogan…..

Comments are closed