|

Waa Imisa Jir Qofka Ugu Da’da Weyn Ee Sanadkan Gudanaya Waajibaadka Xajka ?

Maka 29. August 2017 (SDN/QJ):-Haweenay u dhalatay dalka Indonesia ayaa noqotay qofka ugu da’da weyn dadka sanadkan gudanaya waajibka xajka, haweenaydan ayaa waxa da’deeda lagu sheegay inay jirto 104sano, waxaana arrintaasi shaacisay wakaalada wararka  Sucuudiga ee magaceeda la yidhaahdo SPA.

Haweenaydan Xaajiyada ah oo magaceeda la yidhaahdo Maria Marghani Mohamed ayaa waxay dalka Sucuudiga soo caga dhigatay dorraad galinkii dambe, waxaana ka hor tagay madax ka mid saraakiisha Ha’yada Xajka iyo Cumrada ee Dalkaasi, kuwaasi oo ku soo dhaweeyay gegida diyaaradaha ee Boqor Cabdilcasiis ee magaalada Jeddah, waxa kale oo saraakiishaasi wehelinayay Qunsulka u fadhiya dawladda Indonesia magaalada Jeddah.

Maria Marghani Mohamed ayaa waxay tidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan nabad qab ku soo gaadhay dhulka barakaysan, waxa kale oo aan ku faraxsanahay sida wax walba la iigu dhib yareeyay wax caqabad ahna lammaan kulmin Ilaahay SWT ayaa mahad leh”.

Maria Marghani Mohamed ayaa waxay tahay 104 jir waana qofka ugu da’da weyn ee sanadkan ka qayb galaya gudashada waajibka Xajka Alle ha ka aqbalo.

Xigasho wargayska Himilo

Comments are closed