|

”Waa In Faro Gelinta Laga Daayo Gobolka Awdal,Kii Wax Mataraha ahaa Waa La Difaacaa Ka Wax Tarana Waa La Eryaa,Taas Ma Fahmayo” Gudoomiyaha Gobolka Awdal

Boorama 28. February 2017 (SDN/QJ):-Badhasaabka gobalka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa ku baaqay in farogelinta laga daayo siyaasadda gobalka Awdal, isagoo cid gaar ah magacaabin.

Md. Shiine, wuxuu siyaasiyiin xilal sare haye oo aanu magacaabin u soo jeediyay inay gobalka Awdal farogelinta ka daayaan oo ay gobalkooda u shaqeeyaan “Waxaan aad uga xumahay gobalkani waa gobalkii aqoonta, inaanay siyaasiyiintiisu korayn ayaan ka xumahay, waan dulmarayaa maanta, haddii aan gobalkan laga dayn farogelinta siyaasiga ah, ninka masuulka ahi waa inuu ka koraa intan, waa inuu gobalka ka koraa wuxuu u soo rido mooyee.” ayuu yidhi badhasaabku.

Wuxuu intaas raaciyay “Kii wax ma taraha ahaa ee fadhiidka ahaana waa la difaacaya, kii wax taraynayna waa la eryayaa, anigu taas ma fahmayo.”

Mustafe Shiine, ayaa hadalkan ka sheegay  munaasibad xil wareejin ah oo uu xilka ugu kala wareejiyay xoghayihii hore ee gobalka Awdal iyo xoghaye cusub oo loo magacaabay.

Comments are closed