|

Warbixin Caalami ah oo Bannaanka Soo dhigtay Khatarta Dawladaha Derisku ku Hayaan Soomaaliya, Digniinna u dirtay Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho 28. February 2017 (SDN/QJ):- Warbixin ay soo saartay kooxda caalamiga ah ee Xasaradaha Adduunka ee International Crisis Group (ICG) oo ay Ciwaan uga dhigtay “Khatarta ay dalalka gobolku ku keeni karaan rejada Soomaalida”, ayey diiradda ku saartay halista Madaxweeynaha cusub ee Federaalka Mudane Farmaajo uga iman karta dalalka deriska la ah Soomaaliya, oo ay sheegtay in ay shaki weyn ka qabaan Hocggaaminta Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Waxaa Warbixintaas ICG lagu sheegay in guusha Farmaajo ay fursad siineeyso dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, taas oo ay nabad iyo xasillooni ugu soo celin karaan Soomaaliya iyo guud ahaan geeska Afrika. Balse weli waxaa jira sida lagu sheegay Warbixinta shaki laga qabo in Soomaaliya ay xasillooni ka hirgasho, maaddaama oo ay Kalsooni-darro ka jirto dhanka dalalka awoodda leh ee geeska Afrika.

 

Dad badan ayaa rejo  wanaagsan ka muujinaya Kalsoonida iyo taageerada uu Shacabka Soomaaliya ka haysto Farmaajo in ay suurogelin karto dib-u-heshiis Qaran iyo weliba in uu xalliyo boogaha qotoda dheer ee laga dhaxlay dagaalladii sokeeye ee dalka ka qarxay wixii ka danbeeyay 1991-dii.

 

Warbixinta Kooxda Xasaradaha Dunidu soo saartay, ayaa lagu yidhi; “Farmaajo waxa aad u taageera Qurbojoogta iyo Dhalinyarada, in ka badan 125 ka mid ah 283-da Xubnood ee Baarlamanka dalka waa Qurbojoog, halka 165- Xildhibaannada ay da’doodu ka yartahay 35 sano jir.”

 

Heer gobol iyo Heer caalamiba Warbixinta ICG waxay qortay in dedaallada Farmaajo uu doonayo in uu wax ka beddelo Siyaasada arrimaha dibedda ee dalkiisa laga yaabo in uu kala kulmo  dhibaatooyin adag.

 

ICG waxay sheegtay Inkasta oo uu Farmaajo qaaday tallaabooyin ku aaddan in uu fulin doono ballan-qaadyadiisii doorashadiisa ka hor iyo wakhtigii guushiisa-ba uu ku sheegay in uu dib-u-dhisi doono Ciidammada xoogga dalka, Hay’adaha dawliga ah, ka hortagga Musuqmaasuqa iyo weliba mideynta Soomaalida, balse qanaaco la’aan iyo shaki, ayaa keeni kara; sida Warbixinta lagu sheegay in Shacabku ka hor yimaaddo Maamulkiisa.

 

Sidoo kale, waxaa Warbixintan lagu sheegay in Waddaniyadda ay Shacabka Soomaaliya ka aamminsayihiin Madaxweyne Farmaajo, ay si gaar ah wallaac ugu abuurtay dawladda Itoobiya, taasoo ku noqon karta mid la mid ah haddaanay ka weynayn caqabadaha gobolka uga iman kara Madaxweeynaha cusub ee Federaalka Soomaaliya, iyada oo la ogyahay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka dhexeeyso colaad gaamurtay iyo weliba in Xukuumadda Addis Ababa ay marar badan farogelin ku sameeysay Soomaaliya, wixii ka danbeeyay burburka dawladdii dhexe ee Soomaaliya ee sannadkii 1990-kii.

 

Sannadkii 2006, ayey Ciidammada Millateriga Itoobiya waxay gudaha u galeen Soomaaliya si ay u burburiso Midawgii Maxaakiimta Islaamiga ah oo ka talin jiray inta badan gobollada dalka, kuna guuleystay in ay soo celiyaan nabadgelyo muddo lix bilood ah oo ay maamulayeen qeybo ka tirsan Soomaaliya. Hase-yeeshee, Xukuumadda Addis Ababa waxay u aragtay in ay khatar ku yihiin Itoobiya, isla markaana ay raadinayaan Soomaali weyn nabad ah.

 

Madaxweeynaha cusub ee Soomaaliya ayey Warbixintu sheegtay in uu ka warqabo shakiga dalalka deriska la ah Soomaaliya ay ka qabaan, isaga oo farriin dabacsan u diray Xukuumadaha Addis Ababa iyo Nairobi, sheegayna in uu xidhiidh wanaagsan oo wada shaqeyn ah la yeelan doono.

 

Warbixintu waxay sheegtay in weli ay jiraan calaamado muujinaya in xiisadaha gobolka ka taagan ay sii xumaan karaan, Taageerayaasha Farmaajo ee isticmaala baraha Bulshada ayey Warbixintu sheegtay in ay faafiyeen muuqaallo muujinaya Madax ka tirsan Itoobiya oo jooga goobtii doorashada iyagoo siinaya halku-dhigyo ay ka mid yihiin; “Itoobiya waxay ka naxday Natiijadii doorashada Farmaajo”. Hadalladan oo ay aad u isticmaalayaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo daafaha caalamka, kuwaas oo u arka in Farmaajo ka hortagi doono farogelinta dalalka deriska ahi ay ku hayaan arrimaha Soomaaliya.

 

Hawlgallada Ciidamada nabad-ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya jooga ayey Warbixintu sheegtay in ay noqon karaan kuwo guuleysta, Iyadoo Warbixintu intaas ku dartay in Farmaajo muddadii lixda bilood ahayd ee uu Raysul-wasaaraha ka ahaa Soomaaliya ku guuleystay in Al-Shabaab uu ka saaro Caasimadda, haddana uu heysto fursad uu meesha kaga saari karo awoodda Al-shabaab ay ku leeyihiin Soomaaliya.

 

Wixii ka danbeeyay doorashadii Farmaajo, ayey Warbixinta ICG sheegtay in ay jiraan warar la isla dhexmarayey oo sheegaya in Ciidammo ka tirsan Al-shabaab oo uu hoggaaminayo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ay doonayaan in ay isu dhiibaan dawladda cusub ee Soomaaliya, iyadoo Warbixinta lagu sheegay in arrintaasi haddii ay rumawdo ay fursad u tahay dawladda cusub, loona baahanyahay in Midawga Afrika iyo Beesha Calamkuba ay ku taageerto dawladda Federaalka in ay diiradda saarto dib u heshiisiin Qaran.

Comments are closed