Hargaysa 25.May 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna musharraxa madaxweynenimo ee xisbigaas Md Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay muhiimadda ay Somaliland u leedahay midnimada iyo isku duubnimada shacabku, waxana uu sheegay in wada-jirka shacabku door laxaad leh ka qaadan karo tallaabooyinka qaranka horumarkiisa lagu hinidisayo.
Waxa kaloo uu ka hadlay siyaasiyiin shaki geliyey maalinta qaran-nimada Somaliland ee 18-ka May, waxa uu ku dheeraaday sida ummadda reer Somaliland oo dhammi maalintaas ugu midaysnaayeen, isagoo si gaar ah u xusay doorkii shacabka reer Awdal ku lahaayeen maalintaas iyo hannaankii ururkii SNM ula xaajoodeen waxgaradkii reer Awdal,
“Waa loo dhamaa Go’aankii Dib ula soo noqoshada Madax bannaanida Jamhuuriyada Somaliland” Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye DAAWO
