|

‘’Waan soo dhawaynayaa in Faratoon loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Laakiinse Waa in aanay Halkaas ku Joogsan’’ C.kariin Axmed Mooge

Hargaysa 18.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiir Ku Xigeenkii Hore ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka Mudane C.kariin Axmed Mooge ayaa soo dhaweeyay Talaabada uu Madaxweyne Siilaanyo Ku Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka soo Jeeda Gobolka Sool.

CABDIKARIIN-AXMED-MOOGECabdikariin Axmed Mooge Wuxuu xusay in Beesha dhexe ay qaadatay Mansabyadii Jaangoynta Siyaasada Somaliland Iyo Hay’adihii kale ee Distooriga ahaa Waxaanu sidaas ku sheegay Qoraal uu ku faafiyey Barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook kaas oo u dhignaa Sidan:- ‘’Waxaan ku faraxsanahay in Wasiirkii Arimaha Guduhu 25sano markii ugu horaysay ka wareego gobolada dhexe oo loo magacaabo siyaasi ka soo jeeda gobolka Sool, waxaan leeyahay waa talaabo wanaagsan oo hore loo qaadey oo soo celinaysa kalsoonidii dad faro badan oo Somaliland ku neceb in dhamaan wasaaradihii “A”da ahaa iyo hayadihii dastuuriga ahaa in gobolada dhexe wada qaadatey oo runa ahayd.

Waa in aanay halkaa ku joogsane waa in la sii wadaa wax ka qabashada tabashooyinka ku wajahan in gobolada dhexe wada qaadateen dhamaan xillalkii muhiimka ahaa iyo hayadihii dastuuriga ahaa dhamaan sida WASAARADAHA “A”DA AH, MAXKAMADA SARE, GUURTIDA,BARLAMAANKA, GUDOOMIYAHA BANGIGA SOMALILAND, JANANADA CIIDAMADA QARANKA, XEER ILAALIYAHA GUUD, HANTI DHAWRKA GUUD IWM si tabashadaa wax looga qabto waxa loo bahanyahay in dhawr talaabo oo kale in la qaado oo aan ka xusi karo

In oday Salebaan Mahamoud Adan, oo ah oday dalkan iyo dadkan u soo halgamay in uu u tanaasulo Somaliland maanta oo kursiga gudoomiyaha u baneeya oday ka soo jeeda BARIGA ama GALBEEDKA Somaliland, waxaan guurtida iyo Saleebaan gaar ugu soo soocday waa in guurtidu tahay gole aan doorasho ku iman oo ay fududahay in aan si dhib yar u galino qof hanan kara xilkaa weyn ee gudoomiyaha guurtida sidii uu isba u soo galay si uu xilkaa u qabto!

In madaxweynuhu xilalka kale ee waaweyn ee ku xidhan isaga qaarkood sida wasaaradaha “A”da ah, Maxkamada Sare,Gudoomiyaha Bangiga Somaliland, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Hanti Dhawrka iyo Jannanada Ciidamada Qaranka u magacaabo dad aqoontii, kartidii,amaanadii iyo diinba leh xillalkaas qaarkood u magaacaabo masuuliyiin ka soo jeeda gobolada bariga Somaliland, si taasi u dhamaystirto wada-jirka iyo midnimada ummadda Somaliland Bari ilaa galbeed.

Qoraalkaygani ma’aha mid aan ku durayo dadka haya xillalka aan kor ku soo sheegay ee waa qormo aan ku baadi doonaayo Somalilandta quruxda badan ee aan raabo in aan helo si danbarka Maandeeq loogu wada maalo sinaan iyo cadaalad.

Comments are closed