|

Wiil Hore U Diiday Qisaas Xukuumaddu Ku Fulisay Dad Gacan-Ku-Dhiiglayaal Ahaa Oo Markale Ka Horyimi Dhawaaqyada Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista

Hargaysa 18.Aug 2016 (SDN/QJ):- Guuleed Axmed Jaamac oo sheegta inuu yahay oo sheegta inuu yahay guddoomiyaha hay’ad xuquuqal iinsaan oo Somaliland ka jirta, ayaa si weyn u naqdiyey awaamiir fusuqa iyo dhaqan xumada lagaga hortegayo oo dhawaanahan kasoo baxayey guddida wanaag farista iyo xumaan-reebista Somaliland, kuwaas oo bulshadu si weyn ugu diirsatay.
guuleed-axmed-jaamacGuuleed Axmed Jaamac oo sidoo kale ah shakhsigii sida weyn u dhaleeceeyey xukunkii dilka ahaa ee horraantii sanadkan ay xukuumaddu ku fulisay tiro gacan-ku-dhiiglayaal ahaa oo la qisaasay, ayaa haatanna guddida wanaag farista iyo xumaant reebista ku tilmaamay qaar aan sharci ahayn isla markaana soo saaraya awaamiir ka hor imanaysa dawladnimada, isagoo gees iska dhigay, isla markaana ka indho qarsanaya waajibaadka ay diinteena suubani ina farayso.

War qoraal oo uu guddoomiye Guuleed kaga soo horjeedo awaamiirta ay guddida wanaag faristu rayislayaasha dalka ku fareen inay dhallinyada timaha iskugu simaan si loo ilaaliyo diinteena iyo dhaqankeena suuban, ayuu soo dhigay bartiisa Facebook-gga, waxana uu rayislayaasha ugu baaqay inay isaga lasoo xidhiidhaan, haddii qaabka ay timaha u jarayaan ay guddidani faro geliso, “Dalka horta ma dawlad baa ka tlisa mise cid kale? Waxaan arkay urur aan dawli ahayn (NGO) oo la yidhaahdo Gudida Wanaag-farista iyo Xumaan Reebista oo sharci cusub soo saaray. Kaas oo lagu soo rogay rayiis layaasha. Anna dee sharci cusub baan soo saari ee booliisku ha ii fuliyo.
Dawladnimo baynu dooranay ee yaa foodo afka la i noo saarin aayar oo dhalatay.Rayiislaha sharciga ururka aand dawliga ahayn (NGO) uu soo saaray talaabo looga qaado ha ila soo xidhiidho, dacwad baynu ku furaynaa cid kasta oo talaabadaas qaaday. Sharciga Somaliland awood u ma siin NGOs ka inay shuruuc ku soo rogaan dadka shacabka ah.” Ayuu ku sheegay qoraalka uu kaga soo horjeeda awaamiirta guddida wanaag farista iyo xumaan reebista.

Guddoomiye Guuleed waxa uu sidoo kale qoraal uu soo jeedimaha guddida wanaag farista ee waajibaadkooda diiniga fulinaya ku baahiyey bartiisa Facebook-gga, kuwaas oo uu afka ingiriisiga ku qoray, isla markaana uu ugu talo galay inuu hay’adaha gaalada ah ee dalka ku sugan ugu sheego jiritaanka warkaas guddida wanaagfarista kasoo baxay.

Guuleed Axmed Jaamac oo ah wiil dhallinyaro ah, isla markaana xirfadda garyaqaannimada ku shaqaysta, ayaa hore ay xukuumaddu xabsiga u dhigtay, kadib markii uu ka horyimi qisaastii lagu fuliyey dadka gacan ku dhiiglayaasha ahaa, taas oo ahayd waajib diini ah oo la fuliyey, waxana intaas wixii ka dambeeyey uu ku foogan yahay wax ka sheegista iyo faaqidaadda arrimaha diinta islaamka la xidhiidha ee xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dalku ku hawllan yihiin, isagoo aan weligii xataa hal sadar ka qorin dhibaatooyinka dhaqanka iyo diinteena suuban ka dhanka ah ee qaar badan oo hay’adaha ajaanibka ahi ka wadaan dalkeena.

Comments are closed