|

WAJAALE: Wariyayaal Reer Somaliland ah oo Laga Qafaashay Daanta Itoobiya

Wajaale,20,6,2016 (QJ/SDN) – 5 suxufi oo ka hawlaga magaalada Gabiley ayaa laga qafaashay magaalada Wajaale qaybta ay Itoobiya maamusho. Sida ay sheegeen suxufiyiin kale.

Shantan wariye ayaa waxa xalay looga yeedhay magaalada Wajaale iyada oo loo sheegay in ay soo tabin doonaan Suldaan lagu caleemo saarayo Wajaale.

Shantan Wariye oo ka kala shaqeeya HCTV, SLNTV, Universal TV, Bulsho TV iyo Star, ayaa  waxa xidhay askar markii Wajaale ay gaadheen, waxaana la sheegay in marka laga reebo Wariyihii HCTV Mukhtaar Nuux Ibraahim la soo daayey afartii kale. Balse wariye Mukhtaar ayaa wali ku xidhan halkaasi.

Ka dib dhacadadii Gaashaamo oo HCTV ka mid ahaa warbaahin baahisay,ayaa  waxa website dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Cakaara uu baahiyey qoraalo uu ku duraayo HCTV.

Dawlada Ethiopia ayaa hore ula dagaalantay warbaahin uu ka mid ahaa Somalichannel xilliyo Tv-gu baahiyey warar ay dad mucaarad ku ah madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar [Iley] iyo maamulkiisa taasi oo keentay in Somalichannel ay hawada ka saaraan ilaa wararkaasi la joojiyo.

Dhanka kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA oo goordhweyd warsaxaafadeed soo saaray ayaa xukuumadda Somaliland iyo madaxda Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ugu baaqay inay Xorriyadiisa usoo celiyaan Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka tirsan HCTV, kaasoo isaga iyo afar wariye oo kale ciidamadda Liyuu Booliisku ka kaxaysteen magaaladda Wajaale.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu xaqiijiyey inay wariyayaasha kala ah Muxyadiin Maxamed Daahir Tv-ga Qaranka, Ayaanle Maxamed Xaaji Bulsho Tv, Cilmi Maxamed Jaamac STAR, Caydaruus Axmed Ismaaciil Universal ay Xorriyadoodii dib u heleen, hase yeeshee wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka tirsan HCTV illaa hada xidhan yahay.

Ururka SOLJA waxa uu mar kale Xukuumadda Somaliland ugu baaqayaa inay ka hawl-gasho sidii wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim u heli lahaa Xorriyadiisa, sidoo kale waxay uga mahad celinaysaa kooxda la soo daayey sida ay u qaabishay. Ayaa lagu yidhi War-saxaafadeed goordhaweyd kasoo baxay xafiiska ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Comments are closed