|

Milgihii ay Mudnayd Xuska 26 June Maalintii Somaliland Xornimadeeda ka qaadatay Ingiriiska oo Maqaam Hoose Xukuumadu ugu Talo Gashay in lagu Xuso,Iyo Siyaasadaha Mugdiga Gelinaya Qadiyada Somaliland in la Gole Geynayo

Hargeysa, 20.June 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Fooda inagu soo Haysa Munaasibada 26 June oo ah Markii ay Jamhuuriyadda Somaliland Xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 1960 oo haatan laga Joogo Mudo ku siman 56 Sannadood.

June-and-SomalilandDhanka kale Maalintan oo ahayd dharaartii u horaysay ee Calan ay qaataan dadyawgii Somaliyeed ee shanta ahaa waxay Somaliland Mulki u heshay inay Jiritaankeeda aqoonsaday 36 dal oo Ka mid ah Caalamka ka hor intii aanay afar cisho kadib midow aan shuruud lahayn la gashay Somaliyada Konfureed oo iyagu ka hoos baxay gacantii gumaystihii Talyaaniga 1-dii July ee Isla Sannadkaas.

Qarannimada Somaaliland waxa ay ka soo bilaabantay 1884 markaas oo la abuuray Maxmiyadda Britain ee Somaaliland. Dagaalkii 2aad ee Adduunka, 1940-1941waxaa dalka gacanta ku dhigay Talyaaniga. Ka dib waxaa taladaa, mar kale, mulkiyay Boqortooyada Britain ilaa uu dalka ka xorrobay 26kii June 1960.

  1. e) Toddobaad ma jirin Dawladnimadii Somaalilnad markii 1dii July si shuruud la’aan ah lagu la midoobay Koonfurta Somaaliya oo isla maalintaa ka xorowday Talyaaniga. Hase ahaatee, maalmahii koobnaa dawladda waxaa laga diiwaan geliya Jamciyadda Quruumaha Ka Dhexaysa (UN).

Waxaana aqoonsaday 35 dal,Sharciyadda midnimadii Somaaliya waxaa durbaba shaasheeyay sed-bursi iyo sidii loo qaybiyay talada dalka.

June 1961 waxaa Somaaliland laga diiday afti lagu taageerayay midnimada. Isla markaa, 1961 xoogagga miletari ee ku sugnaa Somaaliland waxay isku dayeen inqilaab fashilmay kasoo ay rabeen in ay kula soo noqdaan madax-bannaanidii dalka.

Waxaa xusid mudan Maxkamadaha Xamar inay wax denbi ah ku waayeen saraakiishii inqilaabka iyadoo loo sababeeyay in midnimadu aanay dhammays ahayn iyo in aan maxkamadu awood sharciyeed u lahayn Somaaliland.

  • Somaaliland waxay buuxisay shuruudahii Mabaa’diida Montevideo (The Montevideo criterion) kuwaas oo halbeeg u ah sifaha caalamiga ah ee dawladnimo.

Mabaa’diidu waxa ka soo duxeen Heshiiskii Xuquuqda iyo Xilqeexidda Dawladaha ee lagu saxiixay Montevideo 1933. Inkastoo heshiisku uu ku koobnaa carrada Maraykanka haddana waxaa laga ansaxiyay dunida reer galbeedka.

Mabaa’diidan oo looga qiyaas qaato dawladnimada waxay qeexayaan in dawladdu ay yeelato 1. Tiro dad ah, 2. Soohdin sugan, 3. Xukuumad talisa iyo, 4. Awood heshiis lagu la geli karo dawlado kale.

  • Shardiga ugu culus waxu dhigayaa in la soo xaqiijiyo in dawladdu leedahay Soohdin sugan. Sidaa darteed, xuduudaha Somaaliland oo bedkoodu dhan yahay 137,600 Sq Km waxaa lagu ansaxiyay heshiisyo ay ku wada galeen Britain iyo France (1888), heshiiskii Italy (1894) iyo, heshiiskii Ethiopia (1897).

kana siib kana saarWaxaa run ah in adduunku geeddi u yahay midnimo. Waxaaba la hawaysanayaa qaarad kasta in ay ku midowdo dal keliya. Waxaa lagu hawlan yahay midaynta Bariga, Galbeedka, Badhtamaha iyo Koonfurta Afrika,. Aragtidaasi ma ah mid ka maqan Somaaliland. Run ahaantiina dad iyo xukuumadba waxaa suurto gal ah, haddii la heli karo, dalku in uu la midoobo Geeska Afrika. Hase ahaatee waxaa gabaabsi ah in dib loo soo nooleeyo midnimada shanta Somaaliyeed. Maanta Djibouti waxay u taagan tahay iskeed, halka Soomalida kalena ku dhex milmeen dalalka Ethiopia iyo Kenya. Sidoo kale, waxaa dhintay oo aaskeedii laga soo dareeray in dib loo mideeyo labadii dale ee Somaaliland iyo Somaaliya.

Ogow dabayshu gebi ahaanba midnimo u ma dhacayso. Tan iyo intii uu soo afjarmay Dagaalkii Qaboobaa waxaa dunida ku soo kordhay dalal faro badan oo si nabad ah uga dhashay burburkii Midowga Soofiyati. Dhiig badan oo ku daatay dalweynahii Yugoslavia isagana waxaa ka soo biqlay dhowr dal sida Slovenia, Croatia, Bosnia Herzegovina iyo Macedonia. Qaaradda Aasiya iyana waxaa ku soo biiray dal cusub oo loogu wanqalay East Timor. Afrika iyaduna kuma qadin taranka dalalka oo waxaa laga xalaaleeyay dalalka Saxaaraha Galbeed, Eriteria iyo Koonfurta Suudaan.

Sidaas oo ay Tahay Somaliland iyo Somalia Waxaa Markii u horaysay u Furmay Wada hadalo dad badani u arkaan Kuwo Madhalays ah,Wada hadalku waxaa uu ka soo curtay shirkii Lancaster House, London kasoo markii ugu horraysay, muddo 20 sannadood ah, u goleeyay in 23kii February 2012 labada dal si fool ka fool ah u kulmaan. Shirka London oo oo si mug leh loogu gorfeeyay arrimaha Somaalida waxaa ka soo baxday war murtiyeed dulucdiisu ahayd, “Shirku waxaa uu aqoonsaday baahida loo qabo in bulshada caalamku gacan ka gaysato wada-hadal dhex mara Xukuumadda Somaaliland iyo Dawladda (TFG) ee Somaaliya ama ciddii bedesha si ay isu la meel dhigaan xidhiidhka mustaqbalkooda.”

London- Shir doceed 2 maalmood socday ayaa labada dhinac uga furmay, February, Chevening House, duleedka London.

Shirkaa waxaa ka soo baxay 8 qoddob oo nuxurkoodu ahaa in la iska kaashado dhinacyada nabadgelyada, la dagaalanka argagaxisada iyo budhcad badeedda.

DUBAI- Dabayaaqadii June 2012 waxaa magaalada Dubai ee Imaaraatka ku kulmay labada Madaxweyne Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed

Kulankoodu waxaa uu jebiyay derbigii aamusnaanta, waxaana lagu heshiiyay inay sii socdaan wada hadaladu. Madaxweynayaashu waxaa ay qalinka ku duugeen qoddobo dhowr ah oo hordhac u ahaa, marka hore, in la iska kaashado waxyaabaha badan oo heshiiska lagu yahay. In si qotto-dheer loo gudo galo aayaha labada dal waxaa is hortaagtay sharciyadda Madaxweyne Sheikh Shariif oo 60 ka hadhsanayd.

Shirka waxaa si buuxda u taageeray Imaaraatka Carabta oo gogosha dhigtay, sidoo kale, Britain iyo dalalka Yurub.

“Dalka Imaaraatku waxaa uu dareensan yahay habeenno yar in aan lagu hilmaami doonin xanuun fara badan oo muddo soo jiitamayay. Balse waxaan marag ka nahay kulanka labada Madaxweyne in ay hortayada ku saxiixaan heshiis irridda u ballaqaya wada-xajoodka.” Sidaa waxaa madasha kaga tiraabay Mudane Anwar Mohammad Gargash,Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraatka.

wada hadalada somaliland iyo somaliaGogasha Istanbul? Gogosha Turkigu fidiyay waxaa loo arkaa fadhiyadii ugu adkaa ee labada dal ku kulmaan marka laga eego waxa ay koox walba shirka la tagto.

Somaaliland waxay maraysaa heer kulaylkii ugu sarreeyay, Shan iyo Labaatan Sannadood oo ay isku tashanayeen ka dib, waxa keliya oo dhegahoodu maqli karaan iyagoo loogu duceeyo dawladnimadooda.

Madaxweyne “Siilaanyo” isagoo u socdaalayay dalka Imaaraatka waxaa uu si kulul warbaahinta uga sheegay in aanay marnaba ka gorgortami doonin madax-bannaanida Somaaliland. Waxaa uu xusay gooni-isu-taaggu in uu ku yimid halgan dheer iyo dhiig loo huray iyo in maanta dalku leeyahay ciidamo difaaca qadiyadda ummadda. Madaxweynahu waxaa uu ka tarjumayay aragtida dhabta ah ee bulshadu aaminsan tahay

Dhinaca kale, Madxweyne Xassan Shiikh Maxamuud waxaa si siman u soo eegaya dadkii soo doortay iyo mucaaradkii iyadoo arrinka Somaaliland loo arko tijaabo looga qiyaas qaadan doono kartidiisa.

Wuxuu dhawr Jeer ku Celceliyey isagoo Warfidiyeenka la hadlaya in xukuumaddiisu u taagan tahay midnimada Somaaliya, inkastoo uu afgobaadsi ku sheegay inay nabad wax ku raadin doonaan.

Sidoo kale, waxaa aan qarsoonayn mawqifka Xukuumadda Turkiga. Degelka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga waxaa lagu baahiyay in ay taageerayaan nabadda iyo midnimada Somaaliya.

Weli Wax Natiijo ahi kamay soo Bixin Wada hadalo Foolka Fool ah oo labada dal ku Yeesheen Dalka Turkiga.

Hase ahaatee, waxaa fiican Soomaliya, Turkiga, Ingiriis, Europe, Maraykan iyo dhammaan Ilma Nebi Aadan in ay ogaadaan nabadda, dimuqraadiyadda iyo xasiloonida ka jirtaa Somaaliland inay dan u tahay kuna fadhiyaan dhammaan dalalka deriska iyo kuwo ka sii fog. Waxaana habboonayd in lagu abaaliyo waxii ummaddu xaq u leeyahiin.

Taasi waa haddii aanay adduunka ka qorshaysnayn in dib loo huriyo colaad ka soo cusboonaata Geeska taasoo aanay cidna mahadin doonin.

Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay gudaha Somaliland ka socday dood uu furay Prof Axmed Ismaaciil Samatar taas oo ku saabsanayd Somaliland ma 26kii June ayay ku iibsamaysaa Mise 18 May.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa dood Kulul ka Yeeshay Xuska 18 May iyo 26 June keebaa in la Weyneeyo u Baahan?.

dooda Gudoomiye Faysal iyo Prof Axmed Ismaaciil SamatarAragtida Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa Doodiisa ku Wajahnayd in 26 June ay Tahay Munaasibada u Baahan in la Weyneeyo isagoo Sheegay in Xuska 18 May uu Mudan yahay in loo dabaal dego.

Sidoo kale Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa dhankiisa ku dooday in Munaasibada 18 May ay tahay Maalin la Saxay Khalad la Galay Isagoo hoosta ka xariiqay inaan loo baahnayn in Laga Xajiimoodo Guulaha ay Maalintani ku Suntan tahay.

Sidoo kale Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray ayaa Qoraal uu arrintaas kaga hadlay waxa uu ku yidhi “26kii Juun 1960kii may ahayn maalin maalmaha ku jirtay oo la wada lahaa oo Somali-wayne ee waxay ahayd maalin gaar u ahayd Somaliland oo markii ugu horaysay dadkeedu ay ku neefsadeen neecawdii xornimada ka dib markii ay ka baxeen magantii Boqortoyada Ingiriiska iyada oo aanay jirin Soomaali kale oo maalintaa iyo horteedba heshay madaxbanaani.

cali-gurayMaalintaa afarta Soomaaliyeed ee kale- ta Jabuuti, ta Somalia, ta Itoobiya, iyo ta Kenya- midna lamay wadaagayn neecawda xornimada ee Somaliland ay 26kii Juun keligeed ku naaloonaysay.

Waxay ahayd 26kii Juun 1960kii maalintii ugu horeysay ee reer Somaliland ay la soo noqdeen xaqooda ee iyagu keligood yeesheen xaqqa inay ka taliyaan masiirkooda, ama si sax ah ha uga tashadaan ama si qaldan eh, iyada oo aanay jirin cid kale oo taladooda la lahayd ama u yeedhinaysay.

Hadaba, ma waxa qaldanaa neecawda dabayshii xornimada ee maalintaa ay ku neefsadeen shacbiga Somaliland? Mise waxa qaldannaa go’aankii siyaasiyiintii wakhtigaasi ee keenay israacii aan shuruudda lagu xidhin ee Somaliland ay kula midoowaday Somalia ka dib markii ay shan maalmood oo keliya jirtay 1dii July 1960kii?. Mise labada midna qalad ma ahayn ee wanaagii Somaliland ay samaysay ayuun baa xumaan loogu abaalguday ee hadii ay sida kale noqon lahayd oo Somalia aanay Somaliland liqdeen ee cadaalad la heli lahaa wixii dhacay may dhaceen? Sida AHN Cali Banfas u dhigay: MA GEFINE ANAAN LAYGA MARIN GOBIYO CAADKEEDE.

Calanka buluukiga ah ee xidigta cadi dhexda kaga taalo dhalashadiisii waxa markii ugu horeysay isaga oo xor ah laga taagay magaalada Hargaysa oo loogu wanqalay, Waa taariikh run ah oo aan la dafiri Karin inta dhalshadiisii suugaan loo tiriyayna reer Somaliland baa u tiriyay ee eray kumay darsanin soomaalida kale. Higsigii ama riyadii Soomaaliwayn marka la isku soo wada xooriyo waxay ahayd

Shantoo is Weheshadayeey Wacnaydee

Calan inay Wadaagaaneey Wanaagsanaydee

Anigu taasi inay wada dhimatay ma qabo mana jecli waayo ugu yaraan waxa suurtogal ah SHANTOO IS WEHESHADA hadii la waayay CALAN INAY WADAAGAAN.

Sidaa daraadeed anigu waxan ku talinayaa in aan 18 May iyo gooni-isu-taaga Somaliland loo fasirin Soomaali nacayb. Wax Soomaaliwayne la yidhaa oo manta suurtogal ahi in aanay jirin waynu ognahay Soomaalina intii ilaahay is baday ee meel ku wada nooli inay dantooda wada raacdaan, dhexdooda ka heshiiyaan, inta kalena xidhiidh wanaagsan la yeeshaan ayaa ila quman .

Ugu dambaystii dadka Somaliland qaladka ay ka tirsanayaa Somalia dad baa sameeyay ee maradan calanka Somalia wax dhibaato ah cidna umay geysanin.

Dadka ku murma June iyo May iyo tee baa mudan midna horta sharci uu jebiyay ma jiro lakiin qofba kaskii ayuu hadlay. Dastuurkuna ma qeexayo maalinta mudnaanta ka leh maalmaha kale oo dhan xeer kale oo qeexayna ma jiro. Somaliland kuwa arinkan ku muransani waaba kuwo isla ogol marka hore gooni-isu-taaga iyo mudnaanta labadan maalmood eh saw ma jiraan kuwo iyagu diidan oo ka soo horjeeda gooni-isu-taagaba hadana Somaliland u dhashay iyo dhul weli uu calankii Somalia ka taagan yahay oo 18 May aanay uba bilwnayn.

Tan kale hadalka Boobe waxa ku jirtay 18 May anagaa u soo halganay oo cid soo qaadi kartaa ma jirto. Halganku waa dagaalkii qoriga ee qoriga iyo siyaasaddu maxay isu yihiin marka hore. Qorigu sidiisaba asalka maaha ee waa adeeg asalka waxa ah siyaasadda sidaa daraadeed adeega loogama fiirsan karo si ka takooran asalkiisa( The political object of war is origin war is only means and means can never be considered in isolation from it’s origin) sida Carl von Clausewtz uu ku xusay tiyooriyadiisa caanka ah ee “Clausewtzian theory on war”.

Markaa Mr Boobe waxan leeyahay dagaalkii waxa ka muhiimsan qadiyadda siyaasiga ahayd ee dagaalka oo ku biyo shubatay dib ula soo noqashada 26kii Juun 1960kii iyo xornimadii u sugantay Somaliland maalinta iyada ahayd lafteeda.

buubaaDhinaca Kale Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo xilal sare oo kala duwan ka soo qabtay dawladaha Somalilaan iyo Soomaaliya, muddooyinkii u dambeeyey oo uu Hargeysa ku sugnaana si aad ah ugu ololeeya sidii nidaam sharci oo sax ah ay Somaliland ugu mari lahayd madax-bannaanideeda, ayaa uu Geeska Afrika wax ka weydiiyey aragtidiisa la xidhiidha doodda maamuuska maalinta 26 June oo foodda innagu soo haysa waxa aanu ku jawaabay, “Somaliland waxay madaxbannaanid iyo dawladnimada heshay 1960-kii, waxa aanay madaxbannaani ka heshay Ingiriiska oo Xukumi jiray, kolkaas aqoonsiga noocaas ahi waa aqoonsiga sharciga ah, Somaliland in ay aqoonsi raadinta u marto ayaa ay ahayd 26kii Juun 1960-kii, wakhtigii ay Ingiriiska ka qaadatay madaxbannaanida, balse waddo kale oo khaldan ayaa la maray, oo mugdi galisay mawqifkii madaxbannaanida Somaliland,

26 June ayaa ay Somaliland madax banaani heshay oo ay noqotay dawlad madaxbannaan oo Caalamka oo dhami ogsoon yahay, waana in arintaas culays la saaro oo Caalamka oo dhan laga dhaadhiciyo oo walibana Ingiriiska aad loogu boorriyo arintaas, maxaa yeelay isaga ayaa Somaliland siiyey sharciyada dawladnimada.

Imikana waxaa habboon in lagu boorriyo Ingiriiska in mar labaad arintan uu wax ka qabto, Caalamka iyo Waddamada Afrikana waa in laga dhaadhiciyaa in aanay Somaliland ahayn qayb ka go’day Somaliya, ee Somaliland iyo Soomaaliya ay ahaayeen laba dawladood oo isku yimid, imikana mid kastaa xaq u leedahay inay gooni isku taagto, sida ay Masar iyo Suuriya iskugu yimaadeen haddana u kala noqdeen, Senegal iyo Gambia inta ay isku yimaadeen haddana u kala noqdeen, waddamo fara badan oo noocaas oo kale ah ayaa jira. Laakiin dhaqanka siyaasadeed ee Somaliland loo dhaqayo, ee maamulladii isku xigay ay mareen, had iyo goor waxa uu xoojinayaan ka soo go’ii aynu Soomaaliya ka soo go’nay, oo madax banaanidii horeba la iska ilaabay.

Somaliland iyo Somaliya waa laba dal oo kale, waxaana daliil u ah in hadda magaca Soomaaliya isticmaasha uu yahay Soomaaliya, wakhtigii ay isku tageenna waxa la odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, laakiin se imika maamulka Xamar ka jiraa waxa uu sheegtaa magaca Soomaaliya, halkii laga odhan lahaa Jamhuuriyadda Soomaaliya, haddii ay maanta cidi badhi furtay heshiiskii Somaliland iyo Soomaaliya waxa badhi furtay Soomaaliya, oo magaceedii hore la soo noqotay, markaas Somaliland xaq bay u leedahay inay Magaceedii hore la soo noqoto”.

Sidoo Kale Hogaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka ayaa iyana ka Hadlay Siday u arkaan Kala Mudnaanta Labadan Munaasibadood.

download (2)Isku soo wada duuboo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa looga fadhiyaa qaabka ay u Muunayso Xuska 56 Guurada ka soo Wareegtay Markii ay Somaliland Xoriyadeeda ka qaadatay  Boqortooyadii Ingiriiska oo ay inaga Xigto Shan Cisho oo Keliya iyadoo aanay Muuqan Wax diyaar garow ah oo lagu weynaynayo Xuskaas,Halka taas badalkeeda ay Magaalada Muqdisho ka socdaan qabanqaabo heerkeedu sareeyo oo lagu fuuqsanayo Sidii labadii Gobol ee ay kala Xukumayeen Ingiriiska iyo Talyaanigu Midhihii ka soo baxay u ahaayeen Guul iyadoo aragti taas ka duwana ay qabaan Somaliland.

Ugu Yaraan Waxaa Haboon in Caalamku ogaado in Maalinta 26 June inay tahay dharaartii ay Somaliland Gobonimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska waana taas ta ay in badan oo ka mid ah Miidha aqoon yahaynka Somaliland u arkaan Maalinta Midaynaysa Somaliland.

Source:Qurbejoog.com/Somalidiasporanews.com

Comments are closed