|

War Cusub: Inta Badan Xildhibaanadii Diyaariyay Mooshinka Xukuumada Oo Go’aankooda Bedelay DAAWO

Muqdisho 09. September 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya una badan Xildhibaanadii kooxda Damul Jadiid ayaa diyaariyay Mooshin ka dhan ah Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Sida aan Wararka ku helnay Xildhibaanadan oo tiradooda ay gaareysay ilaa 54 Xildhibaan ayaa ugu dambeyn lagu guuleestyay in lakala furo furo, waxaana go’aankooda bedelay qaar badan oo kamid ahaa Xildhibaanadaasi oo markii hore la hoos geliyay Mooshinka.

Xildhibaanada go’aankooda bedelay kana laabtay mooshinka ayaa sheegay in la qalday loona sheegay markii hore in Mooshinkan uu ku saleesan yahay arinta Qalbi Dhagax balse markii dambe ogaadeen in Siyaasad kale ka dambeyso Mooshinkaasi.

”Waxaan kuu sheegayaa aniga iyo Xildhibaano kale oo badan in aan ka laabanay Mooshinkii aan wax ka diyaarinay, waxaan aragna raga Mooshinka horboodaya in ayasan aheyn kuwa qaranimo difaacaya balse yihiin kuwa Qabyaaladeesan iyo kuwa Siyaasada ku fashilmay” Ayuu yiri Mid kamid ah Xildhibaanada ka laabtay Mooshinka.

Sida aan Wararka ku helna Xildhibaanada Mooshinka diyaariyay ayaa hada tiradooda gaareysaa 23-Xildhibaan, waxa ayna Xildhibaanadan ku fashilmeen in ay helaan saxiixyada Xildhibaano badan si mooshinkoodu u noqdo mid guuleesta.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa u badan Xildhibaano qaab qabiil uga soo horjeeda Ra’isul Wasaarah Soomaaliya, kuwaa oo aaminsan in kursiga Kheyre ku fadhiyo beeshooda ay xaq u laheyd iyo Xildhibaano kale oo horey siyaasada ugu fashilmay .

Mooshinka ay diyaariyeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada u muuqda mid fashilmaya, waxaana socda dadaalo badan oo sidoo kale lagu kala fur furayo Xildhibaanada qaar ee lagu qalday saxiixa Mooshinkan.

Comments are closed