|

Xisbiyada UCID iyo Waddani oo Isku Raacay Mawqif Ka Dhan ah Xisbiga Kulmiye, Komishankana Baaq u Diray DAAWO

Hargaysa 09. September 2017 (SDN/QJ):-Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, ayaa Mawqifyo isku mid ah ka qaatay dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyey ee Masuuliyiinta sare ee Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ka sameeyeen gobollada dalka qaarkood toddobaadkan dhammaaday, isla markaana ku mareen deegaanno kala duwan oo ay Dadweyne ku soo dhaweeyey Khudbado uga jeedinayeen maalmihii u dambeeyey.

Masuuliyiinta Ololaha u qaabbilsan Xisbiyada Waddani iyo UCID, ayaa mar ay Hargeysa kula hadlayeen Saab TV, waxay sheegeen in Xisbiga Kulmiye markii afraad jebiyey Xeerka Anshaxa doorashooyinka, isla markaana bilaabay olole aan wakhtigiisii weli la gaadhin, sidaa daraaddeedna ay Guddiga doorashooyinka Somaliland iyo Guddiga Anshaxa doorashada ugu baaqayaan inay tallaabo Sharciga iyo Anshaxa Xisbiyada iyo Komishanku wada saxeexeen waafaqsan ka qaadaan Xisbiga Kulmiye, maaddaama oo uu si cad u jebiyey Xeerka anshaxa, sida ay ku eedeeyeen Masuuliyiintaasi.

Xubnaha u hadlay UCID iyo Waddani, ayaa daba socda Wefti uu hoggaaminayo Musharraxa Madaxweyne Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo dhawrkii cisho ee u dambeeyey marayey deegaanno ka tirsan gobolka Gabiley, iyaga oo Weftiga oo uu Madaxweyne Ku-xigeenku hoggaaminayaa ka hor Gabiley, booqasho ku tegay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kuwaas oo dhammaan Weftiga Kulmiye si diirran loogu soo dhawaynayey.

Comments are closed