|

War Deg Deg ah: Dalka Ethiopia oo Xaalad deg deg ah la geliyay

Addis Ababa 09.October 2016 (SDN/QJ):-Xukuumadda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday Lix bilood oo xaalad degdeg ah, ka dib muddo bilooyin ah oo ay socdeen banaanbaxyo rabshado wata oo xukuumadda looga soo hor jeedo, kuwaasoo ruxay gobolka dalkaas ugu weyn ee Oromiya.

etho1-768x510Ugu yaraan 500 oo qof ayaa dhintay tan iyo markii ay banaanbaxyadu billowdeen November-tii kal hore. Dhawaan ayaa waxaa waddanka soo maray isku dhacyo todobaad socday, kuwaasoo u dhaxeeyey booliska iyo dad mudaaharaadayey, ka dib markii 55 qof ay ku dhinteen isbuurasho dhacday intii ay socotay xaflad-dhaqameed ay dadka Oromadu lahaayeen.

etho2-768x512Dadka banaanbaxayey ayaa ku eedeeyey ciidanka amaanka inay sababeen dhimashada, waxayna bartilmaameedsadeen shirkadaha shisheeye iyo dhismayaasha iyo gaadiidka xukuumadda intii ay banaanbaxyadu socdeen.

Wasiirka warfaafinta ayaa BBC u sheegay inay ka shaqaynayaan faahfaahinta xaaladda degdegta ah ee dalka lagu soo rogay.

Comments are closed