|

War Deg Deg Ah: Garyaqaankii Guud Ee Xukuumadda Somaliland Oo Loo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Soomaaliya

garyaqaan

Muqdisho, 4,5,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Soomaaliya, Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf ayaa maanta laga qaaday xilka, waxaana Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka loo magacaabay, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan.

Waa markii ugu horreysay oo Jagada laga qaado Garyaqaan Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf oo soo hayay xilkan muddo sannado ah, waxaana wararku ay intaas ku darayaan in mas’uulka cusub ee loo magacaabay gudoomiyaha uu horay u ahaa garyaqaanka guud ee xukuumadda Somaliland.

Madaxweynaha Somalia ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf, Waxaana xil ka qaadistiisa loo sababeeyay Da’diisa 85-sano gaadhay.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo xil-ka-qaadista Guddoomiyhii Maxkamadda Sare ee dalka iyo inuu shaaciyo magacaabidda Guddoomiyaha cusub ee la magacabaay, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan.

Comments are closed