|

War Deg Deg: Tirinta Codadka Doorashada Gudoomiye kuxigeenka 2-aad oo dhamaatay (Sida loo kala horeeyo )

Muqdisho 12. January 2017 (SDN/QJ):-Waxaa iyana hada soo dhamaatay tirinta codadka Doorashada Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku tartamayaan 10-musharax oo katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Natiijada horu dhaca ah ay Heshay Shabakada Qurbejoog.com ayaa iyana tilmaameysa in tartankan uu yahay mid aad u adag ayna Xildhibaanada qaar aad isugu dhaw yihiin codadka Xildhibaanada dhiibteen.

Doorashadan ayaa iyana loo gudbi doonaa wareeg kale maadaama uusan jirin Musharax helay codadkii loo baahnaa, waxaana suurto gal ah in wareeg sedexaad loo gudbo hadii aysan Musharxiinta qaar aysan tanaasulin.

Musharaxinta ayaana Codadka u kala helay sida tan ”

1-Mahad Cabdalla Cawad, 71-Cod

2–Cabdulkadir Sh. Cali Baqdaadi 51-

3– Cabdiraxmaan Aden Ibarhim Ibbi 36-Cod

4-Burhaan Aden Cumar, 26-Cod

5-Cabdulahi Godax Barre 18-Cod

6-Cilmi Maxamed Nuur 12-cod

9-Xuseen Cabdi Cilmi, 14-Cod

8-Cabdiweli Maxamed Qanyare 12- Cod

9-Maryan Axmed Harun. 10-Cod

10-Cabdulahi Xusen Cali 8-Cod

Comments are closed