|

Musharaxiin ka tanaasulay Doorashada Gudoomiye kuxigeenka 1-aad iyo kan labaad ee Aqalka Hoose ee Baarlamanka Somalia

Muqdisho 12. January 2017 (SDN/QJ):-Labo Musharax oo kamid ahaa kuwii usoo gudbay Wareega labaad ee Doorashada Gudoomiye kuxigeenka Koobaad ee Baarlamanaka Soomaaliya aya agoordhaw shaaciyay in ay ka tanaasuleen Doorashada Wareega labaad

Musharax Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa shaacisay in ay ka tanaasushay in ay ka qeyb gasho wareega labaad ee Doorashada Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya .

Khadiija Maxamed Diiriye ayaa kaalinta sedexaad ka gashay tartanka Doorashada Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka ee wali socda waxa ayna heshay Codad gaaraya 26-Cod, iyadoona nasiib u yeelatay in wareega sedexaad u gudubto balse iyadu ka tanaasushay.

Waxaa sidoo kale isna ka tanaasulay Doorashada Musharax Saciid Xuseen Ciid oo helay 17-Cod, waxa uu isna musharaxn sheegay in uu ka tanaasulay wareega labaad ee Doorashada Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

Doorashada Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka ayaa waxaa isugu soo haray Xildhibaan Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo Xildhibaan Faarax Sheekh C/Qaadir, waxaana lagu kala bixi doonaa cod hal dheeri ah.

Waxaa sidoo kale iyana tanaasulay Musharaxiin kale oo u taagnaa Xilka Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya kuwaa oo sheegay in ay ka hareen wareega labada ee Dooarshada.

Musharax Cabdiraxmaan Aden Ibarhim Ibbi oo helay 36-Cod ayaa isna sheegay in uu ka haray tartanka doorashada uuna si iskiis ah u go’aansaday in uu u tanaasulo Musharaxiinta kale ee tartameysa,

Waxaa isna Doorashada ka tanaasulay Burhaan Aden Cumar, oo helay 26-Cod , waxaana hada tartanka isugu soo haray labo Musharax oo kala ah Mahad Cabdalla Cawad iyo sidoo kale Xildhibaan C/Qaadir Bagdaadi.

Comments are closed