|

WAR DEG DEG: Toddobo Askari Oo Galabta Lagu Toogtay Magaalada Kismaayo

Kismaayo,18sep,2015(QJ/SDN)-Maamulka Jubbaland, ayaa wuxuu galabta uu xukun dilka ah ku fuliyay toddobo ka tirsan Ciidanka Jubbaland, ka dib markii lagu helay inay fududeeyen qaraxii miino ee shalay ka dhacay Xerada Shirkole Officiale.

Qaraxaasi, ayaa waxaa ku dhimatay saddex ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Jubbaland, halka dhowr kalana ay ku dhaawacmeen. Xeradan ayaa la beegsaday, xilli mushaaraad loogu qaybinaayay askarta.

Toddobada askari ee la toogtay, ayaa waxaa lagu toogtay Fagaaraha Kiboora, waxaana amarka lagu toogtay bixiyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa ka carooday qaraxii Khamiistii ka dhacay Xerada Shirkole Officiale, waxaana tallaabadan ay tahay mid looga hortagayo qaraxyada noocaani oo kala ah, ee ay fududeynayan askarta.

Masuuliyadda qaraxaasi, ayaa waxaa sheegtay Ururka Al Shabaab oo ku faanay inay ku dileen Saraakiil Jubbaland ka tirsan, oo ay doon doonayen.

Ka hor inta aan la toogan askarta, ayay Madaxda Jubbaland isu khilaaftay in la toogtay iyo inaanan la toogan, hase ahaatee uu Madaxweynuhu ku adkeystay in tallaabadaasi la fuliyo.

Comments are closed